AKHRI:-XOGO MUUJINAYA SABABTA KEENTEY IN XILIGAN UU C/CASIIS MAXAMED SAMAALE TAAGEERO U NOQDO MUUSE BIIXI CABDI IYO DALABYO DHOWR AH OO LA IS DHAAFSADEY.
December 21, 2016 - Written by Admin

Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo tan iyo intii uu iska casilay xukumada Somaliland ka mid ahaa Mucaaridka aad u xoogan ka dib markii uu jaanis u waayay booskii tartanka musharaxa madaxwayne ee xisbiga Kulmiye.

Si ka dis ah ayaa waxa loogu dhex arkay bil ka hor Ex Wasiir Samaale Safarkii Madaxwaynaha Somaliland ee indho indhaynta abaarahaka jira bariga dalka isaga oo garabka ay is haystaan gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo inta badan uu Hawada u marin jirey dhaliilo si wayn bulshada Somaliland ay u xusuusato.

Xogo Muhiim ah oo aanu helnay ayaa xusay in qodobada ugu muhimsan ee xiligan keenay taageerada xisbiga Kulmiye ee mar kale ay kow ka tahay dalabyo uga yimi dhinaca Muuse Biixi iyo shaqsiyaadka u ollaleeya iyo waliba codsiyo dhankiisa ka yimi oo intooda badan loo aqbalay meel marintoodana haatan qaarkood ay fuleenba.

1-Codsi Lacag dhan $500,000 Doolarka Maraykan ka ah oo jeebka loogu shubey oo uu Mr Samaale Dalbadey

2-balan qaad loo sameeyey in uu noqdo madaxa ollalaha xisbiga Kulmiye oo Doorashada 2017

3-Ganacsadaha u dirran Muuse Biixi ee Ina Aw Siciid oo dhaar ugu maray in wixii kharash si gaara ah uu u doono in uu siin doono markasta oo uu u baahdo Samaale.

4-In hadiiba Xukumada Kulmiye mar kale talada dalka qabato u Noqdo Wasiirka Madaxtooyada ee Muuse Biixi ka hoos shaqayn doona.

5-in Muuse Dabadii mar kale loo tafo xayto midho dhalinta hamigiisa in uu mar uun noqdo musharaxa Madaxwayne.

6-Raali galin Buuxda in uu siiyo Qoyska MAdaxtooyada iyo marwada Qaranka oo uu hadalo ku ganay Xafladii uu Xilka Wasiirnimo ku wareejinaayey.

Qodobadan ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee gundhiga u ah soo laabashada xisbiga Kulmiye iyo taageerada uu la garab istaagey shaqsi uu si wayn warbaahinta uga duraayey musharaxnimadiisa.

Dhanka kale waxa jira qodobada aan ilaa iyo haatan la helin oo qayb ka ah heshiiska xiligan sababey in uu mar kale lagu arko masraxa siyaasada Somaliland isaga oo ka garab ciyaaraya laba shaqsi oo uu hore u arkaayey in ay ahaayeen kuwii god madow ku ridey hankiisii siyaasadeed ee ahaa in uu mar uun noqdo Musharax Madaxwayne kuwaasi oo kala ah Madaxwayne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS