War Deg+Deg Ah: Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire Oo Safiirka Somaliland Ee Jarmalka Umagacaabay Ambassador Cabdifataax Cismaan Cigaal
April 11, 2017 - Written by Tifaaftiraha

C f. Germany 20170411_194529Hargeisa(Gaaroodinews) War Degdeg Ah Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Iyo iskaashiga Caalamiga Ah Dr Sacad Cali Shire Ayaa Wuxuu Safiirka Somaliland Ee Dakwaynaha Jarmalka Umagacaabay Md Cabdifataax Cismaan Cigaal 

Wareegto Uu Kusaxeexanyahay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Dr sacad Cali Shire Ayaa Lagu Sheegay In Wakiilka Somaliland Uu Noqon Doono Cabdifataax Cismaan Cigaal

Wareegtadan Oo Warbaahinta Loo Soo Bandhigay Ayaa Mudane Cabdifataax Cismaan Uu Wasiirku Umagacaabay Xilkaasi Safiirnimo Kadib markii uu latashaday Madaxda Ugu Sarsaraysa Wasaaradaasi Iyo Dadka Ay Khusayso Shaqadani 

Mudane Cabdifataax Cismaan Cigaal Ayaa Ah Gudoomiyaha Guud Ee Dalada Guud Ee Jaaliyada Somaliland Ee Germanay

Ambasaasador Cabdifataax Cismaan Ayaa Ah Masuul Uqalma Xilkan Loo Magacaabay Waxaanu Hore Qaranka Ugu Shaqaynaayay Sihawl Karnimo Ah Isaga Oo masuuliyiinta Qaranka Ee Dalkaasi Safarada Shaqo Utaga Usoo Dhawaynaayay Si Heer Caalami Ah 

AMBASSADOR Cabdifataax Cismaan Waxqabadyada Kale Ee lagu Xasuusto Taariikhadana Lagu Xusi Doono Waxaa Kamid Ah Inuu Mideeyay Dhamaan Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalwaynaha Jarmalka 

Dhanka kale Ambassador Cabdifataax Osmaan Oo Aan Khadka Telefanka Kula Xidhiidhnay Si Aan Wax Uga Waydiino Dareenkiisa Ku Aadan Xilka Safiirnimo Ee Loo Magacaabay Ayaa Siwayn Ugu Mahadceliyay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Dr Sacad Cali Shire Iyo Wasiirku Xigeenka Wasaaradaasi Ahmed Kayse 

Waxaanu balanqaaday Xilkaas Safiirnimo Ee Loo Magacaabay Inuu Ugudan Doono Si Daacad Ah 

Dhanka Kale Ambassador Cabdifataax Cismaan Cigaal Wuxuu Sheegay Inuu Kulan Balaadhan Uqaban Doono Oo Uu Masuuliyiinta Qaranka Uga Mahadcelinaayo Xilkaasi Loo Magacaabay 

 

 

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodinews. Com

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS