Deg+Deg:- Safiirka Somaliland Ee Dalka Germany Ambassador Cabdifataax Cismaan Oo Lakulmay Wasiirka Beeraha Dalka Senegal+ Sawiro
May 22, 2017 - Written by Admin

Frankfurt(Gaaroodinews) Safiirka Somaliland Ee Dalka Germany Amb.Cabdifataax Cismaan Cigaal  Ayaa Kaqayb Galay Shir Heer Caalami Ah Oo Lagaga Hadlaayay Maalgashiga Afrika Oo kadhacay Magaalada Frankfurt Ee Dalka Germany

Ambasador Cabdifataax Cismaan Oo Madasha Shirku Kadhacaayo kahadlay Ayaa Wufuuda Shirkaasi Kasoo Qaybgalay U Iftiimiyay In Dalka Jamhuuriyada Somaliland Ayka Banaan Yihiin Fursado Maalgashineed Oo Balaadhan Waxaanu Siwayn Ugu Sharaxay Taariikhda Soo jireeneed Ee Qaranka Somaliland Waxaanu Wufuuda Shirkaasi kasoo Qayb galay Uu Siwayn  Ugu Iftiimiyay Madaxbanaanida Somaliland Iyo Inay Somaliland Dawladnimadeeda Aykala Soo Noqotay 18.May 1991 Wixii La isku Odhan Jiray Somalia

Safiirka Oo Ah Wakiilka Khaaska Ah Ee Jamhuuriyada Somaliland Ufadhiya Dalka Jarmalka Oo Matalaayay Dalka Somaliland Ayaa Intii Uu Shirkaasi Socday Wuxuu Lakulmay Wasiirka Beeraha Iyo Deegaanka Ee Dalka Senegal

Safiirka Ayaa Barta Uu Kuleeyahay Facebook Waxa Uu Kusheegay Inay Wasiirka Kawada Hadleen In laysku Xidho Lana Xoojiyo Xidhiidhka Labada Dal Ee Somaliland Iyo Senegal

Safiirka Hadalka Qoraalka Ah Ee Uu Soo Dhigay Facebookiisa Waxa Uu Udhignaa Sida Tan:-

“WAXAY ii Ahayd Sharaf gaara inaan kulan gaara ah ku wada qaadanay wasiirka Beeraha iyo deegaanka Ee Senegal Shirkii maanta ee ganacsiga anoo matalay Somaliland
Kulankan ayaanu waxbadan isku waydaarsanay wasiirka waxaanu ila qaadanay sidii Xidhiidhka Somaliland iyo Senegal Loo xoojinlahaa”

Daawo Sawirada Safiirka Oo Kaqaybgalaaya Shirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Dalalka Afrika Oo Lagu Qabtay Frankfurt Germany:—-

IMG-20170522-WA0007IMG-20170522-WA0002 IMG-20170522-WA0017

IMG-20170522-WA0016 IMG-20170522-WA0013 IMG-20170522-WA0011 IMG-20170522-WA0012 IMG-20170522-WA0009 IMG-20170522-WA0008 IMG-20170522-WA0007 IMG-20170522-WA0006 IMG-20170522-WA0005 IMG-20170522-WA0004 IMG-20170522-WA0003

FB_IMG_1495466057025 FB_IMG_1495466057025 FB_IMG_1495466070017 FB_IMG_1495466078848

 

 

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodinews.com

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS