Wasiir Cali Mareexaan Oo Lacag Hal Milyan Ku Dhaw Hanti Dawladeed Kaga Iibsaday Maayarka Berbera Iyo Boobka Cad Ay Masuuliyiinta Qaarkood Ku Hayaaan Hantida Dawlada
July 6, 2017 - Written by Admin

Hargeisa(GRN) Warar xog ogaal ah oo soo If baxaya ayaa daaha ka fayday dhul dan guud ah oo dawladu lahayd oo uu wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cali Maxamed Xasan “Cali Marreexaan” lacag badan kaga iibsaday maayarka golaha deegaanka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin.

Waxaana durba dhulkaasi laga bilaabay dhisme cusub,iyada oo laga gaadhsiinayo inta aan la gaadhin doorashada fooda inagu soo haysa ee madaxwaynaha iyo ku xigeenka Somaliland oo loo qoondeeyey inay dalka ka qabsoonto 13 November ee sanadkan aynu ku guda jirno.

Sida aanu warbixintan ku  helnay,isla markaana uu indhihiisa kusoo arkay shalay wariye wargeyska Foore ka tirsani,waxa uu dhulkaasi ku yaala xaafada shacabka ee Hargeysa,gaar ahaana kasoo  horjeedka guriga uu magaalada Hargeysa ka dagan yahay gudoomiyaha mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Axmed Xaashi Oday,waxaana uu dhulkaasi wasiirka Hawlaha guud iyo Guryeyntu Cali Marreexaan lacag badan kaga iibsaday maayarka golaha deegaanka Berbera Cabdishakuur Cidin,sidoo kalena xoghayihii hore ee golaha deegaanka Berbera Suhayb Maxamed Cali oo sida la sheegay qayb kamid ah dhulkaasi lahaa,waxaana sida aanu warbixintan ku helnay dhulkaasi hadda la kala siistay oo  uu ku iibsaday wasiir Cali Mareexaan lacag xad dhaaf ah oo sida la sheegay ku dhaw 1 Milyan oo Dollar,isaga oo dhulkaasi uu cabirkiisa iyo baaxada uu ku fadhiyaaba ay wayn tahay kuna yaalo goob muhiim ah .

Waxa uu dhulkaasi durba wasiirku ka bilaabay dhisme cusub isaga oo sida ka muuqata uu doonayo inuu ka gaadhsiiyo kala wareega ama qabsoomida doorashada madaxwayne iyo madaxwayne ku ixgeenka Somaliland oo loo qoondeeyey inay dalka si rasmi ah uga dhacdo dhamaadka sanadkan aanu ku jirno oo ay bilo koobani ka hadhsan yihiin,waxaana u wasiirku dhulkaasi ku wareejiyey dayr dheer baaxada uu dhulkaasi ku fadhiyo,waxaana uu gudaha dhulkaasi uu xayn daabka dayrka ah ku wareejiyey ka dhex bilaabay dhisme qolal ah,taas oo ilaa hadda aan la garanayn waxa uu ka dhigi doono dhulkaasi wasiirku.

Masuuliyiinta ugu tunka wayn xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa boob cad ku haya hantidii danta guud ee dawlada,waxaana wasiir Cali Mareexaan usii raaca oo uu daabkeeda hayaa saxeexida iyo ka arriminta dhulka dawlada,madaama oo uu yahay wasiirkii hawlaha guud iyo guryeynta.

Qaylo dhaan xoog leh ayaa maalmihii u danbeeyey kasoo yeedhaysay guud ahaanba boobka lagu hayo hantidii dawlada,waxaana dhibka ugu badan dhulkaasi ku haya oo boobay masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan gaar ahaana kuwa ka agdhaw madaxwaynaha oo kalsooni badan ka haysta dhanka madaxwaynaha,waxaana qaylo dhaantani ay kusoo beegmaysaa wakhi kala wareeg ah oo dhawaan la galayo doorashadii madaxtooyada Somaliland.

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS