Akhri Xogo Qarsoon Oo Laga Helayo Gudida Doorashooyinka Qaranka Sheegayana Dagmooyinka Ugu Badan Ee Laga Qaatay Gaadhka Codbixiyaha
August 3, 2017 - Written by masalaha

Xisbiyada Qaranka ee Ucid, Kulmiye, Waddani ayaa waxaa maalimihii ugu danbaysay ku hirdamayaan codadka aadka u faraha badan ee udubdhexaadka u ahaa Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid wakhtigii uu loolanka xisbiyada qaranka loo tartamayay suurta galiysay inuu xisbiga Ucid noqdo Xusbi Qaran. Hadaba markii xogo laga helay Gudida Doorashooyinka Qaranka kuwaas oo sheegaya in si mug iyo miisaan leh looga qaatay Kaadhadhka Codbixiyayaasha  Meelaha ay ka mika yihiin Koonfurta, Bariga, Badhtamaha Caasimada Jamhuuriyada Somaliland Hargaysa.

Hadaba markaan in yar is dul taagno Sanaaduuqda codbixinta ayaaa teedsanaa haydynu xusno marka laga tixraacayo doorashadii hore oo tirooyin aad iyo aad u badani ka codeeyeen goobahan hoos ku qoran.

Dagmada Maxamuud Haybe.

M.Mooge .

Axmed Dhagax.

Gacan libaax( badhtamaha Suuqa Dhexe ee Magaalada Hargaysa Waaheen, Shiraaqle.Haleeya. Darar wayne Awbarkhadle.)

Dhanka kale waxa iyada isla wakhtigaasi cod baaxada le laga helay goobaha ay sanaaduuqda codbixiyayaashu yaalee sida Magaalooyinka

Toon

Qocaday.

Baliciise

Dhimbiriyaale

Maadhyaal

Bahadhabal..

Kaamtuug

Ina Guuxaa

Qoolbuulale

Sallaxlay

Sabawanaag..

Qotandabo.

Higlada..

Baliguuyoobe.

Wacays Oodane.

Bali khadar.

Warancade.

Maygaaga

Dhamaan goobahaas waxay hoos yimaadaan Gobolka Maroodi Jeex waxaana yaalay sanaaduuqdi cod bixinta kuwaaso gabi ahaaan looga codeeyay tirada ugu badan Xisbiga Ucid waraka maanta la helayaan ay sheegayaan in dagaanadaasi yihiin dagaanada ay is abaabuleen una qaateen kaadhkii codbixiyaha, 

Gabagabadii arintan ayaa waxay dhalisay in saddexda xusbi qaran ay dadkii dagaankaas ku loolamaan markii warbaahintu u kuur gashay arintan la helay in dadkani ku sontan yihiin Xusbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid horena u soo saareen

Waxa aaan shaki marnaba ku jirin in doorashadan fooda inagu soo haysa Uu isku halaynayo codadkaas aan baaxadiisu yarayn Xisbiga Ucid  waana la hubaaa inuu markale ku soo bixi karo ama ku gaadhi karo darajo sare.

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS