Kooxda Arsenal Oo Gool Ku Laad ku Hanatay Koobka Community Shield,xilli Chelsea uu Kaadhka Cas Ka Qaatay xiddiga Pedro
August 6, 2017 - Written by Carab

hi-res-5f1806b2b0909b8ef3910695f90d1869_crop_north

 

London (GRN):-Kooxda Arsenal ayaa hanatay koobka Community Shield kadib markii ay 4-1 rigooreyaal ah kaga baddiyeen kooxda  Chelsea, kaliya Gary Cahil ayaana dhaliyay sadex ciyaartoy oo rigoorada u tuuray Blues, Courtois iyo Alvaro Morata ayaana ku fashilmay iney gool ka dhilliyaan.

Ciyaartan oo ay labbada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar quruxbadan oo hufan islamrkaasi ay ka muuqdee dhoolo tusyo ciyaartoyada cusub ee kusoo kala biiray labbada kooxood ayaa waxaa ay ku bilaabantay jawi degan oo ay ka muuqatay in kooxuhu xaska dabbada gelinayeen oo ay kala baqanayeen , inkasta oo ayna wax weerara oo muuqda aanay kooxuhu isku qaadin balse waxaad moodaysay in kooxda Arsenal ay soo bandhigtay ciyaar xiiso leh oo iyo qaab dhismeed wanaagsan kubadoodan waxa ka muuqatay inay mid isku xidhan oo dhisan ay tahay  waxaana wakhtigii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 0:0

Balse Per Mertesacker ayaa laga saaray kulanka kadib arkii dhaawac dhanka sanka ah uu soo gaaray kabtan Gary Cahil ayaana suxul aan ula kac ugala jeedin  gaadhsiiyay xidiga reer Jarmal

qaybtii danbe ee ciyaarta markii laysu soo noqday ee wadci iyo waano wixii tobbobaraayashu usoo  sheegeen ciyaar yahanada ayaa waxa uu weeraryahanka reer Nigeria ee  victor Moses uu hogaanka u dhiibay kooxda Chelsea daqiiqadii 46-aad markii uu ka faa’ideystay kubad ay daafaca Gunners ku fashilmeen iney iska soo fogeeyaan.

Moses

 

waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay kooxda chelsea ku horumartay goolka balse nasiib darro  ciyaartoyaga  Pedro Rodriguez ayaa casaan la siiyay markii u si xun u jalaafeeyay  Mohamed Elneny, garsoore Robert Madley ayaana casaan toos ah u dhiibay xidigii hore reer Barcelona.

waxana islamrkiiba ka faaiidaysatay Saed Kolasinac oo shabaqa soo taabtay

kadib  markii uu madax ku uu dabba maray dufaaca iyo dhamaanba kooxda chelsea uu si fudud u dabba mariyay Courtois daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta (1-1)ayay  ciyaartu kusoo idlaatay .

Saed-1

Labada kooxood midkood nasiib uma hellin inuu guusha helo 90-kii daqiiqo ee caadiga ah ee ciyaarta loogu tallo galay  waxaana sida sharciga ah lagu kala bixiyay gool ku laad iyada oo ay ku dhamaatay  4-1  ay kooxda ARSENAL ku  qaaday koobka .

Arsenal ayaa markii 15-aad ku guulaystay  koobka Community Shield

siddo kale kooxda Liverpool ayaa iyaduna 15 ku kuulaysatay koobkan  waxayna haatan isku mid yihiin oo ay isku koobab haystaan kooxda ARSENAL

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS