Daawo, War Dag Dag ah Dooradhadii Shalay ka dhacday Golaha wakiilada S/L Oo Waji Kale Yeelatay + Gudoomiyaha Rasmiga ah ee ladoortay waa aniga…
August 7, 2017 - Written by Samaxareed samaxareed

Hargeysa (Gaaroodinews):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyaanle oo maanta la sheegay in hal cod

lagaga guulaystay kursiga guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada ee baarlamaanka Somaliland ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay in uu yahay guddoomiyaha la doortay ee golaha wakiilada

Image may contain: 1 person

Xildhibaanka ayaa sheegay in la is dabo mariyey ku dhawaaqistii natiijada isla markaana uu cadeynteeda hayo , Xil Baashana looga baahan yahay sidii uu maanta u tahniyadeeyey in uu isna u tahniyadeeyo

“Anigoo ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyaanle waxaan halkan ka caddaynayaa ummadda Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan golihii wakiilada doorashadii iyo codkii la qaadayat ee aan saaxiibkay ku tahniyadeeyay Baashe Maxamed Cadde xaqiiqdii baa soo baxday laga bilaabo imika oo aan idinla hadlayo guddoomiyaha golaha wakiilada ee la doortay waa Aniga. Xaqiiqdeediina waan hayaa 39ka xildhibaan ee codeeyay cidda ay u codeeyeen waa Cabdiraxmaan Maxamed Talyaanle, sidaas darteed afhayeenka aqalka wakiilada Somaliland waa aniga.

Waxaana u sheegayaa saaxiibkay Baashe Maxamed Faarax oo aan tahniyadeeyay anoo lillaahinimo iyo daacadnimo waajibkaa ku gudanayay in arrintii is badashay oo isaga maanta looga baahan yahay xaqiiqda jirta iyo codkii Majooratiga halkuu maray in uu aqbalo naguna tahniyadeeyo.” Ayuu yidhi

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

IMG-20170807-WA0001 IMG-20170807-WA0000

Gaaroodinews.net
Hargeysa / Office
gaaroodinewsnet@gmail.com

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS