Neymar oo ogolaaday in uu bixiyo ganaax lacageed
August 13, 2017 - Written by horseed horseed

Spain(GRDI)Qareenada xiddiga kubadda cagta ee reer Brazil ee Neymar ayaa sheegay in uu ogolaaday in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan laba milyan iyo bar oo doolarka Mareykanka, si loo soo afjaro murranka kala dhaxeeya waaxda canshuuraha ee dalka Brazil.

Mid kamid ah qareenadiisa oo lagu magacaabo Marcos Neder ayaa sheegay in Neymar uusan ku qancin tirada lacagta uu bixinayo, balse madaama uu muddo dheer soo socda murranka salka ku haya lacagta canshuur ahaan looga goosan karo kharashaadka uu xayeysiinta ka helay wakhtigii uu u dheeli jiray kooxda Santos ee ka dhisan dalka Brazil.

Neymar oo ka tirsanaa ciyaaryahanada kooxda Barcelona ayaa toddobaad kahor ogolaaday in uu u wareego kooxda Paris St Germain ee dalka Fransiiska.

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS