Cabdifataax Jannagale oo loo Magacaabay Wakiilka Dowlada Puntland ee Finland
August 14, 2017 - Written by Samaxareed samaxareed

MAGACAABIDA WAKIILKA DOWLADA PUNTLAND  U FADHIYA DALKA FINLAND.

 

Madaxweynuhu.

 

 

Xeer madaxweyne Lr 88 july 27.2017 kuna saabsan magacaabid wakiilka dowlada Puntland ee Finland.

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Puntland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha iyo Waxqabadka

 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Puntland  u fadhiya Dalka Finland;

 

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas In Mudane, Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac (Jannagale), laga bilaabo taariikhda warqada ku qoran uu ahaado Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland

 

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS