Dad Badan Oo Ku Nool Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Guul Darada u Haysta Guul…W/Q.Drs.Amran Xuseen Dayib
August 25, 2017 - Written by masalaha

Maanta waxaa ka dhacay Jamhuuriyada Somaliland sida la sheegay in Baarlamanka Somaliland la soo af jaray khilaafkii inta mudada ah hadheeyay Golahaasi mudo ku siman dhowr toddobaad iyadoo la isku haystay jagada Gudoomiye ee Baarlamanka Somaliland iyadoo muranku ka yimid ka dib markii laba musharax oo ka soo jeeda beesha sool mid waliba dhinaciisa u yidhi anigaa cod batay si kastaba khilaafku ha ahaadee xubnaha ka soo jeeday xisbiga Waddani ay maalmihii ugu danbeeyay ku doodayeen in sifo aan sharciga waafaqasanayn loogu dhawaaqay inuu codkii helay Mudane Baashe oo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenkii intaanu xilka ka tagin gudoomiyihii hore ee mudane Ciro.

Hadaba way wanaagsantay in sulux iyo tanaasul wax lagu dameeyo se dhinaca kale waxaa ayaan daro noqotay in hayadii dharci dajinta Jamhuuriyada Somaliland ay u suurto gali waydo in ay Suluxa iyo Sharciga is waafajiso afkoodana ay ka sheegaan inaan sharici jirin.

Gabagabadii bulshada reer somaliland way arkaa waxan meesha ka socdaa in aanay ahayn wax bulshada u dana ee loo arko uu wax shaqsiyaad is odhanayaan kol hadii aanu jirin tashi guud oo dhamaan Guurtida Maxkamada Sare Golaha Fulinta (Xukuumada) iyo saddexda Xusbi qaran u dhexeeya mar ahaantaasina si wada jira loo soo saarahayn,

Hadaba miyaanay muuqan in Guul darada dadka qaar u haystaan guul.

 

Drs Amran Xuseen Dayib

London UK

amran1979@mail.com

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS