Kaltanka Isku-aadka Groupyada Koobka Horyaallada Naadiyada Yurub Ee Loo Yaqaan (Champion League ) Oo Lasoo Saaray 2017-2018 ! Waa Kuwee Kooxa Hormooyinka Dhimashada Galay ?
August 25, 2017 - Written by Carab

MONACO(GRN):-Waxaa maalintii shalay ahayd la  soo baxay  isku-aadka koobka horyaalada naadiyada yurub ee loo yaqaan champion league kaasi ah ka ugu xiisah iyo xamaasada baddan koobabka la ciyaaro madaama ay Naadiyada maqaawiirta yurub ay isugu yimadaan halkaasi oo ay fooda isku darran .

kaltirsiga Isku aadka tartanka horyaalka Naadiyada qaarada Yurub ee loo yaqaano  Champions League, heerkiisa Groups-yada  ee xili ciyaareedka 2017/2018, ayaa la soo saaray, waxayna  xafladda jadwalka lagu samaynayay ka qabsoontay magaalada Monaco ee wadanka Faransiiska.

Hormooyinka kaltirsi ee wareega Groupyada naadiyada qaarada yurub ee champion league ayaa kooxa qaar waxa ay beegsadeen oo ay nasiib u helleen kooxo adag halka qaar kalana ay damaashaad farxadeed ay haatan sii dabaal degeenba madama ay nasiib u yeesheen naadiyo aan awood baddan haynin tamar ciyaareedkooduna uu liito

hormada ay hogaaminayso kooxda horyaalkii ugu dambeeyey ee Champions League ku guulaysatay ee difaacanaysa  Real Madrid ayaa waxa kula jirta  kooxda  ka dhisan dalka ingriiska ee  Tottenham  oo ay ku weheliso kooxda Dortmund, kaas oo loo arko inuu yahay Group ka ugu adag, ama si kale haddii aynu u dhigno  “Hormada Dhimashada” groupyada ee champion league 2017 – 2018., waxaan se dabyar shidahay oo aanay kooxu kala dhicin hormada ay ku bahoobeen kooxaha Chelsea, Atletico Madrid iyo AS Roma.waxaana ay sheegaya dadka sameeya xidigiska ciyaareed inaan la sadaalin karo cidda kasoo baxaysa hormooyinka ay kooxu fooda isku darri doonaan

marka hormooyika laga yimado waxa jirra ciyaaro xiiso baddan oo si gaara indhaha loogu hayo kuwaasi oo kala ah kooxda lacagta baddan la geliyay ee  PSG,  ayaa u duulimaad taggi doonta macalinkooduu hore ee tababare   Carlo Ancelotti iyo kooxda quwada baddan ee Bayern munich halka kooxda Barcelona ay u aarsi tagi doonto dhinacaa iyo talyaaniga iyo Juventus,  waxaan se ka dhicin oo iyana aad indha loogu hayaa kulanka dhexmari doona labada kooxood ee Atlentico  Madrid Vs Chelsea

haddaba halkan hoose ka daalaco kaltirsiga groupyada champion league ee 2017 -2018

 

result

Group A:

Benfica

Manchester United

FC Basel

CSK Moscow

Group B:

Bayern Munich

PSG

Anderlecht

Celtic

Group C:

Chelsea

Atletico Madrid

AS Roma

Qarabag

Group D:

Juventus

Barcelona

Olympiacos

Sporting Lisbon

result1

Group E:

Spartak Moscow

Sevilla

Liverpool

Moribor

Group F:

Shaktra

Man City

Napoli

Feyenoord

Group G:

Monaco

FC Porto

Besiktas

RB Leipzig

Group H:

Real Madrid

B. Dortmund

Tottenham

Apoel FC

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS