Qormadii 3 aad ee Odey iyo Mooge Sheeko Taxane Ah.W/Q.Ibrahim Xabbo
August 30, 2017 - Written by Admin

Qormadii 3 aad ee Odey iyo Mooge.

Odey ” Mooge imisa goor ayaan wax kuu sheegay
Dhoohanaanta dhego adeyg ayaa kuu raacdaye”

Tusbax furmay ayaad moodaa sida looga yaacayo Xisbigii Cadho Ururtay ee Waddani.

Mooge ” niyaw mar qudha inta ilaahay kelmad yar kuugu hagaajiyo haysu qaaddanin Awliyo Maslley iyo inaad karraamo leedahay”

Xisbiyadda geli dooda iyo ka bixi dooduba waa wax ka socda Dalka ee la qabso.

Odey ” meeshu markay isku qasan tahay jawaabtaada ayaan ka aqaan Moogow ”

Mr Ciro oo maqan ayaa wax la magacaabayey hadana Ina Jirde ayaa haki yey ayaa la yidhi.

Durba laysma gaadhine goorma ayey hafteen.

Mooge ” Waxaa aad ka hadlayso ee keenaya ka bixida baddan ee Xisbiga miyaad garanaysaa”

Anagaa kuu sheegayna Dhoorayahaw Qoodhii Somaliland ayaa isugu tagtay Waddani.
That’s why ayaa Awrta badhkood ooda uga daaddanayaan ama Ooda u jebina yaan.

Odey ” Waxaan Xasuusyey Riwaayadii Jeel iyo Jacayl hees ku jirtay oo noocaagaas oo kalle ku socotay oo (Abbu – Raas iyo Sahra Axmed ) ku luuqaynayeen ” Kol hadaan la tabba barrin ayaa barraya caashaqa”

Mooge ” ana waxaan xasuustay filimkii Raam Bi Raam ee ay matalayeen Gacma Dheere iyo Dalla Mandar heestii ku jirtay ee
“Jaga Biimi aha aha
Iga Rasta aha aha
Dooraa i aha aha
Digtoo aha aha ”

Miyaad fahmaysaa macnaheeda afkaad taagaysaaye waa
” hayska muraaqoon Ciyaari way danbaysaye”

Odey ” Sheeko ma taas ayaad keentay ”
Mabaad soo gaadhin National Cenima .

Ma kuu sheegaa labadan Xisbi Waxay ku kalla Duwan yihiin ama ay kalla urur sanayaan ?

Midna Degmooyinka iyo Dadka Dega waa Kulmiyee.

Waddanina Moqorofad ayuu ku Dawarsanayaaa kolba wixii ugu soo dhaca waa nasiibkii.

Haarkoo, Shuuro, Buushe Baasto maca Suqaar iyo Bariis Cad.

Miyaanay la mid ahayn markay madiibada ugu soo wada dhaceen,

Ismaaciil Yare, Abiib, iyo Awrtii Garbaha beeshey ee kale.
Mooge ” dee ka daa sheekada ha dhabqinine inader”
Maxa keenay Cuntada aad tirinayso ?

Odey ” iskuma Luro Kumiye Hebbelo Ciilna uma qabo ”

Laakiin halka ay idinka gaadhay siyaasad xumidu waxaa maraysaan laba qof oo wallaalo ah oo wax kalla tirsanaaya oo arin Qoys ah inaa ka dhigtaan Siyaasad oo weliba uu iska qoslo Mr Ciro Qoslaayena.

Sida Hablihii Xidhinta iyo Allay Badday ee laydinku qoslay.

Niyaw Mooge horta muxuu ku qoslaa Ciro Xaallaad walba ?
Mooge ” Jooji Shaqsi ka hadalka.

Mise adigu Reer Laan -Millaaxo iyo Buurraha Gacan libaax laguma tusi karro oo waad ka xanaaqddaa ?

Jooji Sheekada Mr Ciro iyo Waddani Nacaybka aad Qarsan kari la,adahay.
Odey ” alla waa badawnimo taasiye”

Mr Ciro iyo Waddani nacayb toona ma jiro sidoo kalle Waddani jacaylna ma jiro.

Ha duwin sheekada hayguna khasbin Dookhaaga.

anigu meel fog ayaan wax ka eegayaa inader.

Bada iyo Berigaba waa laynu qabsanayaa haduu kani tago Garoomada Ciyaarraha adagi ka dhici doonaan ee boqol iyo bunka laysu baanayo.

Ma in laynoo hunguroodo ayaad rabtaa niyaw ?

Mooge ” Hada hadalka laga ma jebiyo Mr Ciro ”

Haduu xanaaqana Feedhku wuu ka soo horeyaa.
Ciyaar mood Caan Boodhaha.

Odey ” Alla hadalkuu yaqaanaaya”

Weligiiba meel dhexe ayuu istaagaa hadii xitaa Qaranimada laga hadlo.

Feedhku waa kee ma Tantoomo Carbeedkii uu la gaaday Baashe ayaad sheegaysaa ?

Inader horta adigaa habeenkii fadhiista halkiiye imasay ka soo qaateen berigii dhawayd Turkiga ?

Mooge ” miyaad bolawday wanjalkii ” ?

Odey ” inader horta maxaa ka dhexeeya Turkiga, Qadar iyo Farmaajo, Mr Ciro iyo Ciyaartoygiisa .
Hoosta ayey iskaga Dalloolaane.

Mooge ” anigu taas ma ogin ”
Waa jeebkaaga.

Odey ” sawkuwii nimcadii aanu ku xamdinaqayney ee Yarkaa Baashe inoo keenay aad isku mar ka murraaro dilaacdeen maca Farmaajihiina”

Mudaharaad ku sheegii aad la tagteeen, Safaarrada UAE hada wuu duuban yahay maca Walla Weyntii aad wadateen.

Mooge ” waan ku fahmayaa waxaad u doonaysaa in Dawlada KSA ay ku xanibto Xarraamka Guddoomiye Ciro”
Odey ” taas yaa naga hortaagnaa hadaanu rabno liiska ayaanu dhigi lahayn UAE iyo KSA iyadoo weliba cadayna loo hayo laakiin waxaanu ilaalinaynaa Dawladnimada oo ay Asxaabta Qaranku ka mid yihiin.
Ceebta iyo dhibaatada ku dhacda Waddani iyo Ciro inay nagu dhacday ayey nooga dhigantay.

Tartan ayaa inoo yaalla mooyee ma tihidin xagayaga Cadaw.

Laakiin idinka waxa la moodaa in aad Jihaad ku jirtaan waana intaynu kalla lexojeclo badaney.
Mooge ” dee sxb hays macaash siinin Kulmiye ayaa Qal Qaali lagu sheegaaye”

Odey ” waar liiskan jubuqtaamiska ah ee laysku haysto ee Ciro oo maqan hadana isgu ku saxeexan,
Inader yaa qoray ama saxeexay ?
Imisa Ciro ayaa jira horta?

Ma sidii Filimkii Hindiga ahaa ayaa laba Atoore ma tellayaan wixiina?

Waaba labadii Gacmo dheere ee Jugnuu matellaayey.

Ma kaas ayaa Dal lagu aamini karaa ?
Qoodhaa iyo Xeradaa Moogow inader .
Mooge ” haa ninkani waa Dubla maasi ay waxba ka guri waayeen sirdoonkii Ruushka ”

Filim Hindi ayaad ku qiyaastaye ninkani isagaa ka cawaadisan Atoorihii 007 metelaayey.
Muxuu ahaa magaciisi horta ?

Odey “ma (Jamis Born) oo hadaa waaba khatare”
Miyaad ku Amaantay sidan ?

La soco qaybaha danbe…………

By Ibrahim ( Xabbo )

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS