Fariinta Ciida & Odayaasha Musdambeedka Jaaliyada Somaliland Ee UK
August 31, 2017 - Written by Admin

Annaga oo ah odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska waxaannu u soo gudbinayna shacbiga Soomaliland debed iyo gudaba ciidda hanbalyo iyo bogaadin ciidda barakaysan awgeed iyo qodobbo kale
Waxaannu u rajaynayaa xujayda sanadkan waajibaadkooda gudatay in Alle ka aqbalo, nabad iyo caafimaadna ay ku soo gurya noqdaan, dhammaanteena in Alle inaga ajiibo ducooyinkana innagana yeelo kuwa uu karameeyo maalinta qiyaamana uu naarta ka xoreeyey.
Waxaannu u rajaynayaa dhammaan qoomiyadda Soomaaliyeed iyo ummadda islaamka ee kale ciidda barakaysan, barwaaqa iyo nabadqab.
Annaga kaga faa,iidaysanayana munaasibadda ciidda barakaysan in ay shacabka reer Somaliland ilaashadaan midnimadooda meelna uga soo wada jeedaan ilaalinta dhulkooda ilaahay ku wada abuuray.
Ciida mubaarak

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS