Waa Qormadii 4 aad ee Sheekadii Xog wareysi ee Odey iyo Mooge.W/Q.Ibrahim Xabbo
August 31, 2017 - Written by Admin

Odey ” oo Safaarrada Ruushka muxuu ka ahaa awal Mr Ciro Moogow waa inagiiye inader ”

Mooge ” Niyaw maxaad iska hadashaa horta maya nacas baad tahay”

Miyaanu shantii nin ee ugu sarreeyey ku jirin Mr Ciro?

Ninkii hal haysta u lahaa markuu cadhoodo Mosko guddaheeda ( Naakhooy Bilaad, Khonya , Khuyuub)
Ee Ruushku ka baqan jireen miyaanu ahayn

Odey ” Mooge halkaa waad ku rafatey inader sidii Sabbaaxii (Xaji Geydh) oo Caasha Cado marraya.

Safaarada Safiir iyo Qunsul ayaa isaga Hooseyey.
Ciro midna muu ahayn Sxb.

Mooge ” waayo miyaanu Top 5 ka ku jirin”?

Odey ” inader Top 10 iyo Top 5 toona ma jiree
Berigii Dagaalkii ee aynu maqnayn,
ayuu Siyaad Bare ka waayey Xaga ehlu Baydka Cid Shaqo Rabta oo Reer Waqooyi ah.

Markaa berigaa 4.5 ayuu ku helay shaqada oo cid kelllaba lama hayn oo Dadku wuu Dagaallamayey.

Markaa Ciro sidan ayuun buu u qoslaayey iyadoo lays Umulla Dooxaayo.

Mooge “Yaad u haysataa Ciro miyaad ogeyn in uu ka soo Jeedo Wadnihii ama Wershadii Halganka”

Miyaad iloday adeer.
Muj Xusseen Dheere.
Muj (Lixle)
Muj (Sumuni)

Hadaanu kuu Tirino Buurta Gacan Libaax ee Ku taal ,
Beydka Raaxada ayaan gidiga caawa laga gayooneyn.
Intaan laba gaadhin Dharcastii (Laan – Mullaaxo ) Iyo (Oodweyne ilaa Ceeri iyo Meydh)
Odey ” Ilaahay dhamaantood haw naxariisto Geesiyaashaa aad tirisey magac ayey ka tageen.

Mr Ciro markaa ma ragaa aan kalla dhicin fadligooda ayeynu ku dhaafnaa ayagaa u xanbaaraya xaga Mujaahidiinta.

Maxaad kaga wareegaysaa Ragaa ?
Ma taariikhdiisa ayaad is yar dhaafinaysaa inader?

Aar iska daa waan fahmey oo waad ka dhacdaye.

Dhalinyaradan danbe ayaa yidhaahda ” Axmatooy ka dhac ka dhac”
Allayle maanta ayaad Taariikhdii Ciro ka dhacday.

Mooge ” Kkkkk uhu uhu kix kux waan saxday ”
Sidaan u qoslayey.

Ciyaalkan danbe Axmato lama baxaan waad is xarfo tarraarinaysaaye.
Kofindha, Rollando,

Waxaan ku udhi ” Ciro ha ku meereysan waa Dhal Muhaahid.

Ma maqli jirtay waa dhal Awliyo.
Waa sidaas.

Odey ” uba daayoo
Waxaad iiga warantaa inader”

Mooge ” hee ha ku noqon sheekaddaa Ciro e kor ubax oo ka hadal Xisbiyada.

Odey ” Niyaw Taariikhdaa SNM ta aad ayaa u jeceshiin qolladiinaa Ciyaalla Waddani.
Meel aad ka soo gashaana ma jirto.

Marka taariikh ku yeellan weydaan intiina Xisbiga ka tirsani ayaad adna ii tirisaa (Lixle ) iyo Rag qaali ah.

Xirsina waaba kii isagoon ka fiirsan yidhi Kaare ayaa i marray.

intuu hadalka yara du dubiyey isagoo wax ku dhex qarinaaya oo aad moodo in uu yara carrab la,a yahay.

Mooge ” Xirsi waa runtiisa (Cumar All Mukhtaar) ba Kaaruhu wuu jiidhay ”

Go,da weyn iyo Go,da yarina waa Xaruntii Dagaalka.
Yaa igu diidan ?

Odey ” Xaguu noolla kacay” dee yaa uba diidan inader.

Inaga daayoo kolley Muj Muuse Biixi, Muj.
Maxamed Kaahin.
Muj Jaamac Shabeel kuma jiraan hogaanka Xisbiga Waddani.

Kulmiye inuu soo
halgamey oo uu Odey u ahaa ( Muj Madaxweyne Axmed Siilaanyo )
Yaa nagu diidan ?

Mooge ” Jaamac Shabeel na miyaad ku dartay Mujaahidiinta .
Sawkii Minashiibiyada ahaa”
Sorry waxaan u jeedaa Gollaha Deegaanka Hargeisa.

Dee naga daa indho adeyga niyaw.

Odey ” Mooge waa Mooge uun Jaamac miyaanu Sarkaal SNM ah ahayn oo aanu mudo baddan ku jirin Gollaha dhexe.

Maxaad sida dhalinyarada uga sheekaysaa 2000 iyo hidhidhiidii adigoo u soo joogay wax baddan.

Mooge ” Niyaw Dalku wuu ka baxay halgankii oo dimuquraadiyad ayuu marrayaa.

Ka bax sheekadan SNM ta , Halgankan iyo Mujaahid nimadaba .

Waayo dadka qaar baan ogeleynba waxaas.

Hadii kale Daraawiishtii iyo Muj Ismaaciil Mire ayaa soo aakhiro toosi.

Deedna waa lagu kalla guuri.

Odey ” waad necebtay taariikhdaas oo waaban kuu bedalayaaye.

Waxaad iiga warantaa xeer hoosaadkiinu muxuu qorayaa markuu Ciro maqyahay yaa idin xukuma horta ?

1.Ma Hogaamiye Xirsi ?
2.Ma Gudoomiye C Qaadir Jirde?
3.Ma Gud ku Xigeenka 1aad ?
4 . Ma Gudoomiyaha Jiifa.
5. Ma Musdanbeedka.
Mooge ” Niyaw anigu horta beenta ma aqaanoo anigaana ku khal khalla ”

Waxaan u malaynayaa waxaa aad tirisay oo dhami nin waliba halkiisa ayuu kaga jiraa difaac iyo suti gaashaan.

Odey “Oo hadaa waxbaa isku mullaaqane.

Niyaw miyaa iska deysaan sharci darada, iyo Xillal kan saaxada ku cusub ee Xirsi iyo C qaadir Jirde ileen khilaaf iyo khal khal ayey keenayaane.

Mooge” Waar miyuu is yeel yeellayaa xageenu uga keenaa (Xirsi) hadaanu shidhka gelin ma joogayee wuu cidhiidhsanayaa dee.

Mid kalle Reer (Axmed Dhagax) Xaqsoor iyo Duur ayey xusuusanyiinoo ayaguna waa in Daaqada shidhka ay haystaan haday doonto haw furantee.

Odey ” Alla oo sidaa madaxa ayaa leysla gellayaa hadhaw inadeere”

Mooge ” Ciro wuu yaqaan waxaas sida looga dabaasho adigay kulla weyn tahaye”

Kol haduu kursiga fuullo
Waa iska caadi.

Miyaad ilowdey idinkuba Ciyaalla Qarran iyo heshiiskii Maxamed
Xaashi iyo Gaboose.

Meeshan dadka qaarbaa sallaan ah oo aan faa,iido kale lahayn.

Odey ” Xirsi waa Khatar hada xaga malleegida iyo Jini bixibta.
Codna wuu u keenayaa Xisbiga.

Mooge “Waar run ma dooneysaa maalintuu noo yimi budh iyo budh ayey ahaydoo markaas ayaa Nuur iyo Naalleeyba joogay.

Sawtii weydaaratay toosintii.

Yoonis teygaro maye Caynaba iyo Ceel af Weynba Xirsi ayey ka boodeen.

Odey ” Waar Inadeeraw hada ayaad fahanteen.

Horta anigu waan idiinku ducaynayey in uu Xirsi iyo Xuu Xuuleyba idiin soo gallaan.

Ilaahayna wuu inoo aqbaley ducadii.
In yar ayey ku sigteen inay Ucid gallaan.

Iminka waxaad leedahay Xirsi Reerkii waxba kama wato.

Mooge ” waar niyaw ku yar oo uuv odhan jiray Cali Seenyo Weriyaha Sanadka iminkana la yidhaa Siyaasiga Sanadka oo magaciisa la yidhaa (Muniir. A.Cigaal) iyo Dumaashiday(Khadan Hoodo) iyo 186 qof way dhiifi la yihiin inta laga hayaa Reerkiiba.

Odey ” Waar ninku wuu deddaalaye maxaa waydiinaysaan”

Mooge ” Waar ilaa uu keeno Buur Maddaw iyo Buur Cas ma ka soconeyso adeer.
Keef yacnii ?

Wallee Rubad ayaanad inan ku dhalin dheh waa halkii nin kiiye………..

La soco qaybaha danbe……………..

By Ibrahim (Xabbo)

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS