QORMADII 5AAD EE ODEY IYO MOOGE..W/Q.IBRAHIM XABBO
September 2, 2017 - Written by Admin

Odey ” Waar yee mooge ninkii Idiin Qaabil sanaa Arimaha Dibada markii la wareystay ee la waydiiyey Cirro waakan maqane yaa wax magacaabay.
Way ku adkaatay waanu ku raftay.

Mooge ” niyaw kuwan weriyayaasha ah markaa waraysanaysaan Qolladayada Ingiriis Care noo soo dira Weriye Afka Qallaad Daadiyey oo ku Wareysta Affka China ha”
Neehoow
Jaga dojaa
媈弓手中
來到了結人
水分子
Yaa Geesoolle Geel barray.
Kolba nin Af ku adagyahay oo Dibada ku raagay ayey Khaawisanayan.
Maxay u wareysan waayeen Guulleedkaa Burco jooga ee Ciyaalla Gaashaamo.

Odey “oo waxaan ku waydiiyey mallaha hada ma lihidinba cid idiin hadasha ileen halkii madhnayd ee uu hore uga carraray (Boobe Yusuf Ducaalle) ina Xassan Mataana ka tagye.

Mooge “haduu tagay muxuu la tegay (Cabdirashid Xassan Mataan) Facebook miyaa lagu noqdaa Siyaasi weeyeene.

Odey” Mooge yaan sharci ku qabanin hadalka hortaa Rag kale yidhaahdeen iska daa inader Fb maxaa keeney.

Hees aanad Erayada iyo Laxamka midna lahayn iska daa sheegashadeeda.
Faysal ayaa hore taas u yidhiye.

Mooge” Adigu maxaad ka hadlaysaa saaka.
Cirro Xarramkuu ku maqan yahaye markuu soo noqdo taanu dhigno waa in lagu kalla guuraa.

 

Odey” Callashaan maxaad ka waddaa hadalkaa?

Mooge” kaartooyinkii hore ayaa la bedelayaa”

Odey” Oo ma awalbaa wax iska hagranayseen”

Mooge” Saadanbe ayaad garan ayuu yidhi (Dhalin Ileeye) waad arki taanu idinku dhigno”

Odey ” Niyaw inader Dabbaal degiina iyo tacsidiinu way isku xigaan”

Kuwa idinka yaacaya iyo kuwaa soo dhawaynaysaana way kalla culis yihiin.

Oo maantaba Nin wayn oo ay idinku banaan tahay halkiisii ayaa galbaday.

Mooge ” waa kuma kaasi
galbaday ee aad sheegaysaa ?
Waad iska habaar tamaysaa uune”

Odey” miyaad maqalba Xildhibaan (Sallo Callee)
Inta nin wayn kasii socota meeshii waad yaabaysaa.

Waxay u eektahay in Xaabbo isugu soo hadhayso meesha.

Oo ay noqoto Xeradayadu waa wada Ul oo Ul la qaato ma leh.

Mooge” Niyaw meel kale ayaad ka eegtaye ninkaas buuqiisa ayaa badane ha dhaafo Waddani.

Saaxil Dad adag ayaanu ka wadanaaye.
Miyaad arag (Like ninka la yidhaa ee u hadla sidii (Cali Jaamac Haabiil)
Miyaad arag gabadha la yidhaa (Faadumo Siciid )
Ee sidii (Hilliry Clinton) iyana u hadasha.

Odey”Idinku inaa jabaysaan waxan ku garanayaa kuwaa u taqaanaan Halldoorka ayaaban arkay .
Markaa bilaa qiyaas ayaa tihiinoo Hool 500 oo qof qaada oo calamada lulaaya markaa aragtaan ayaa is macaash siisaan.
Dadkana kuwa wax tarka ah ama caqliga leh maba heshiisaan.

 

Mooge ” kaxaysta idinku haduu wax idiin tarayo waa kaase”

Odey ” alla oo maanta cadhadu waabay kaa muuqataaye ”

Wejigaaga ayaa laga garanayaa inaad Tacsi fadhidaan adiga iyo xisbigiinaba.
Waa maxay kaxaysta iyo waxaad ku hadlaysaa ?
Maantoo kale in aan Geerraar tiriyo ayey ahayd aan kaga hadlayo (Siciid Cilmi Rooble)

Cirroba Siciidkii Dhaabi jiray dhabaha qaadye.

Waar hooy Dhugo hadalkaa Salla Callee
Maaha dhalanteede .

Ku yee Cirro waa dhawr qofoo qaar inoo dhimane.

Waar Moogow ma intay kugu dumayso ayaad sugi ?

 

Mooge ” Iminkaad iska muraaqoon markaad aragto nin xisbi ka baxay.
Anaga guushii ayaa noo muuqata Sxb.

Odey “murti ayaa ka muuqatay hadallada (Salla Callee ) siduu idiinku lisayna ugu maydaan hanbayn”

Cirro waa ciyaarihiisa in aanu abaall lahan oo aanu daacad ahan Sxb.

Ma kuu tiriyaa intu saaxiib Yeekaha ku rogay.
Macalinkiisii Faysal Cali Warraabe.
Axmed Muumin Seed iyo Beeshiisaba oo uu u quudhay in aanay geyinba Kursiga ku xigeenka.
Reer Caynaba oo dhan ama Muuse Abokorkeyga Caashaqa.
Iyo qaar kale oo badan.

 

Mooge ” waar ninka Xajka tagay ha kaa nabad gallo”

Odey ” Xaj kaba raad aas aas ayuu u tegay .
Marka uu wax kharibayo wuu dhoofaa ”

Laakiin heestuu ku qayilayo ama uu dhagaysanayo maanta miyaad garanaysaa (Siciid Cilmi Rooble)

Mooge ” muxuu dhagaysanayaa bal sheeg ma tii Axmed Gacaytaa” ?

Odey “maya maya”
Waxa uu qaadayaa Hees uu ku luuqayn jiray (Maxamed Salleebbaan Tubeec)

Dhudhuun iyo laxaad iyo lafii iga dhamaysee.

Intaan kaa dhursugayaa aduunyadi i dhaaftee.

Adey dhalliilee aan dhawroo nabsaa xaqa dhameeyee.

Mooge ” waar niyaw naf kale ma lihid markaad heesaha qaadayso ayaa lagu qaatay haday doonto anagaba ha nagu socotee”
Ninyaw berigii hore ma Far iyo Suusha ayaad ahaan jirtay Aroosyada ka heesta ?

Odey ” Heestuu ka soo qaadayo Makka Cirro ma kuu sheegaa iyada oo Labeegti socoto hada”?

Faysal Cumar ayaa qaadi jiray.

Ha der derin carada ha duulin.

Ha degdegine joog
Nalla joog dadka la ma necbaadee.
Kulmiye lama jeclaadee.

Mooge” maanta ma waxaa ku wishiiriyeysaan Siciid ayaa ka baxay Waddani”
Wax haydinku filaato intaasi.

Odey ” Beytul qasiidka hadalka Salla Callee waxay ahayd ,
Cirro wuu xuub dhacsadaa sida Maska Jilbiska ah oo dhawr Cirro ayaa inoo dhiman.

Miyaanu markhaatiga ii furin ileen waataan hore idiin idhi Filimka Waddani laba Atoore ayaa metellaaya sidii aflaamtii Hindiga ahayd.

Laba Daallaamandar
Laba Finidkhaan
Laba Faariskhaan
Laba Gacmo dheere
Laba ga master.

Idinkana laba Cirro ayaa metelaaya.

Mid hada Maka jooga iyo mid Hargeisa wax ka magacaabaya.

Mid dadka balanka la galla iyo mid kaga baxa.

Laaxim laga jari maayo Moogow maxaad faraha la taag taagaysaa ninkii la baray.

Mooge ” niyaw aanu kaa cibadaysanee naga tag hadaba waanu soomanahaye”

 

Odey ” alla waar maantoo kale mallaha lama soomo ”
Kol haday halkaaba kula marayso waa inoo beri insha allah Sxb.

La soco Qaybaha danbe sheekada Odey iyo Mooge……………

By Ibrahim (Xabbo)

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS