Qormadii 6aad ee Sheekadii Odey iyo Mooge. W/Q.IBRAHIM XABBO
September 3, 2017 - Written by Admin

 

Odey: “hees ayaan ugu jeclaa Waddani ahayd.

Hada Waddanigu kiinan caantaynka ah maaha,
tii Waddaniyada ahayd ayaan sheegayaa waxaa si wadda jir ah ugu luuqayn jiray Hobaladii Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadwaynaha waxayna odhan jirtay.

Debbada kuu la la la soconaa.
Debbada kuulla soconaa.
Siyaasada Dalkeenee Dalkeenee Dalkeeneeeee..

Mooge : ” Oo kuweebay ahaayeen ma Kooxdii Heeggan la odhan jiray”?

Odey: ” taas ayaa cadaynaysa inaanad Moogow ahayn Hargeisadii hore oo aad afar Magac oo aad yara baw satay la wareegayso.
Kooxdaa aan sheegay ee ay xukumaysay Wasaaradaa aan sheegay waxay ahayd Hobbollada Waabberi.
Heegan tan aad bowdatayna Kooxdii Guul Wadayaasha ayey ahayd oo kuwii lagu bilaabay waxaa ka mid ahaa.

1.Maxamed Faarax
2.Maxamed Jaamac (Indho- Jacayl)
3. Aw Kadleeye.
4. Sareeye.
5 . Cabdi (Fallaash)
Markii danbe se waxay ku kalla biireen kooxo kale sida Waabberi iyo Dannan.

Mooge : ” Anagu ma saaqid ayaanu ahayn Guryahayaga ayaanu joognay oo Arday ayaanu ahayne.

Waar iska daayoo maxaad ka war haysaa siyaadii ?

Odey: ” Mallaha niyaw kii Waddani Dabiib ayuu u baahan yahay”?

Waxabay ku leeyihiin maanta kiis ayaanu Maxkamada ka furanaynaa aanu ku Dacwaynayno TV ga iyo Idaacadda Qaranka..

Maxakamada ayuu ku dhashay Waddani waxna kuma faa,iido waana cudur u gaar ah.

Waxa uu soo bilaabay Maxkamada xiligii Ucid uu khiyaameeyey Mr Cirro .
Laba wiig ka horna waatii aad ogayd Sheekadii ku qabso ku qadi mayside ee ay soo celisay Maxkamadu.

Mooge:” Hadii aanay dacwoon miyey dagaalami lahaayeen niyaw”?

Waa ilbaxnimo iyo lexejeclo ay dalka u qabaan.

Odey:” waad iga qoslisay waa fadeexad iyo muran iyo fawdo Dalku imisa doorasho ayuu hore u soo gallay “?

Waa arin ugub ah tan iyo mudaharaadkii Qurbaha ay ka wadeenba.
Taariikhdana way ugu jirtaa Xidbigan yar ee layliga ah ee Buubbaya.

 

Mooge: “horta ma ogtahay in maanta nin wayn oo Gollaha Wasiirada ku jirey uu ka baxay Kulmiye oo uu so galay Waddani”?

Odey:” Hada waa Wasiir ku Xigeenkii Caafimaadka alla kaas eeda uu eedaynayo Kulmiye qiimo kuma fadhido Inader.

Waa Cadho Kursi ka kacday waa siyaasi aan gaaddiid qaad noqon isaga iyo Xisbiga Waddaniba.

Waxaan Xasuustay Heestii Cabdi Nasir Macalin Siciid iyo Sahra Axmed.

Reerkii layli dhaansadaa
Haamuhuu ka laayaa aa
Haraadka kama lad naadee.
Lugtii Jeeni dhaaftayeey
Lugooyeey ku socotaa………

Mooge :”Waa inay cadaalad ku shaqeeyaan Wasiirada, TV ga Qaranka, Idaacada Qaranka, Gaadiidka Qaranka in tuba xiliga Doorashada.

Odey:”markii lagu jiray Doorashadii Deegaanka sawkii shaqynaayey Gudoomiye Cirro isaga oo Xilkii Qaranka haya,
Isaga oo Lacagtii Wakiillada haya,
Isagoo awooddii iyo Gaddiidkiiba wata”

Mooge” taas waa la soo dhaafay sxb iminka ma xil ayuu hayaa” ?
Waa kii baneeyey adeero.

Odey:” waa la soo dhaafay maaha sheeko sax ah sxb”

Iminkadan lafteeda miyaanu ahayn Xildhibaan Qarran.

Muxuu u baneyn waayey horta xubin nimada?
Mise wuxuu ogyahay inuu dhacayo oo wuxuu ogyahay Shoomeer nimada dhibkeeda.

Mooge:” Shoomeerku waa afkee maan fahmine sxb.

Odey:” Yakhii horta ma Diigallaas ayaad tahay mise Baandii iyo Shoodis waarka aanad Bashaal ugu bixin Cali Sabiix weligaa?
Miyaad weligaa Casho Sakhraan ka cunin saacadaha danbe Ifinii Fandis.
Yaakhii kumaad Barjeyn weli Mefrishii caanka ahaa ee Kiniifka kuyuuga loo geli jirey.

 

Mooge: “Niyaw ma garanayo waxaase Waa inoo Maxkamada .

Ku yee Cirro ayaa Hanti iyo Gaaddiid xukumayey.
Cirro ma Xisbi Xaakim ayuu ahaa ?

Odey:” hadaa muxuu ahaa?
Xukuumada maxaad u taqaanaa?

Miyaan Gudmooyiha G Wakiiladu iyo Golluhuba ka mid ahayn Dawlada?

Adeer laba Xisbi Dawladeed ayeynu ahayne
Waxan fahan niyaw.

Mooge:” Odeyaw ka waran Khilaafka labada Gudoomiye “?

Waa Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahine.

Warkaasi waxa uu naga soo gaadhey Dumar looga qaateen ah oo lagu kal soonyahay.

Odey:” Waxaa ka dhiganeysaan Xumad jabin ayaan filayaa ”

Maxaa yeelley xaalku waa idinku adag yahay.

Adeer meeshan shaqada waa la kalla leeyahay.
Xillal kuna maaha sida
kuwiina ee buuxinta ah sida”
Hogaamiye
Gudoomiye ku meel gaadh ah Etc.

Mooge :” warkaa waa la hubaa dad magacooda aan rabin in ay sheegaan ayaa ka soo waramey”

Odey:” dee adiga ayaaba qirtay inay Ganbaddii Dumarka tahay waxa aad ka dhigayso warka sxb”

Jiib noom taani Sxb.

Waa sheeko aad u jaban
Adiga ayaana cadeeyeyba inay Dumar idinka soo gaadhay, sheeko laba nin oo madax ah aad ku sheegtay inay dhex taallo.

Meeshu xagay ahayd ma Sariibada?

Mise Koofeerada waawayn ee Dumarku ku badan yihiin.

Mise Siti Faadumo iyo meel Sitaad laga tumanaayo.

Bal goobta raaci warku kaaga yimi sxb.

 

Mooge:” Waar badaw ayaad tahaye dee Jaamacadahaba waa lagu wada jiraa Dumarka Anuguba waxaan dhigtaa
Jaamcada Hargeisa .
Kaam dumar nalla dhigta.

Odey :” ha ku fadhido sxb nina afkiisa lagama xaal siiyo adiga ayaa sheegay in warku Dumar kaaga yimi goobtuna waa intaa aan soo sheegay mid uune hadaa ma Afartan bax iyo Taraaraysi ayaad ka qayb gashey?

Waar waa inoo beri zxp
Nooli Kullantee.

La soco qaybaha danbe sheekada Odey iyo Mooge…………..

By Ibrahim (Xabbo)

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS