Qorrmadii 7 aad Sheekadii taxanaha ahayd ee Odey iyo Mooge. W/Q.Ibrahim Xabbo
September 6, 2017 - Written by Admin

Odey” la kalla tagey waan u taagnaa”

Ma tii Barri ka dhacdey iyo ilaa Hadaaftimo ayaa Booramana u raacday .

Shaxda hadii lagugu dhigo afar iyo irmaan adeer waa layska gurtaaye nahasha gurro.

Mooge “maxaa Boorame ka dhacay ee aad aragtay ” ?

Odey:” Waxaa ka dhacay wixii idinka qaylisiiyey ee lahaydeen Cali Gurrey Damiirkiisa ayuu iibsadey”

Mooge: ” Adeer Ciyaari waa gelin danbe ”
Hays macaash siinin.

Odey: “waxaan ku garanayaa inaad jabteen afkii ama luuqadii guul darrada ayaad ku tirrabtay Moogow”
Ku yee ” Ciyaari waa gelin danbe ”

Marka kooxda kaa soo hor jeeda haafka hore ee ciyaarta laga gaadhsiiyo 3 Gooll ayey isku maaweeliyaan hadalkaas.

Mooge : ” Kuma ayaa Cali Gurrey soo hadal qaaday kaasi waaba Cilaaje”

Anigu waxaan is idhi Cali gurrey Tol xidha ayuu waayey .

Odey:” Cali gurrey waa saaxiibbal caqli run sheeg ah oo weliba meel dheer wax ka eega”

Hadallada dadku hoos u yidhaahdaan ayuunbuu kor u yidhaa.

Mooge:” faanka Reer Barriga ayaa Raasamaal u lahaaye bahalkii Galbeed ayuu u wareegay ”

Arintaadu Odey faan ayey u badantay.
Anagii ayaa iska deynay markaanu riyo run moodney.

Odey :” Waar khilaafkan kalla irdheeyey Kaadariyiintii Xisbiga Waddani bal iiga waran”?

Mooge :” Anagu ma ogin ee ma khilaaf ayey kaaga dhegtay niyaw iminka” ?

Odey: ” Xirsi cadho ayuu ku maqanyey”

Inantii Reer Saaxil ee sida Hillary Clinton u Khudbeyn jirtay
Faadumo Siciid is loading.
She’s on the way.

Mooge: “Warkaagu wuxuu u badan yahay sidaad jeceshay”

Heesihii Qaraamka ayaan xasuustay midhahoodii.

Waxaad jeceshahay oo jarkaa xigo ileen indho sooma jiitaan.

Odey:” Qodhiyo Xeriyo walahi wakaa Mooge heesay ee weliba inoo Baleeeyey

Waxaan maqlay Mr Cirro qoladii hore ee Reer Waddani ma ba  arki karo mar walba Waddaniga cusub ayuu iska caashaqaa bi duuni sabab.

Waddanigii hore waa laba, qollo soo socota oo dhawaan is casilaysa iyo qaar aan meelnaba wax u oolin oo qaadaya heestii Axmed Salleebaan (Bide) ee ay qaadi jireen (Kinsi iyo Xarago)

Sida Waaxyaha jiidhkaa
Wadnaha iyo beerka
Halbawlaha is waraabshaan  u waddaagno jaceylka.

Mooge :” Waar waanu kulla naqaanaa wax walba ee waanu iska aamusnaa niyaw”

Waxaad maraysa markay Seynab Xaji Cali (Baxsan) lahayd Alla Ma sun baan cabbaa mise waan samraa.
Hadaad rabto sun cab ha kaa Aguugto naftuye.

Odey:”Waar is xariifsikaagii anigoo ku qoslaya Riwaayadaa Wed iyo Wacad ee Cismaan Adan Xusseen (Askari) ayaad tidhi ha kaa  Aguugto.
Waar habaar weynaa waan yaabay.

Laakiin waxaan ku weydiiyey habeenkii la dhigayey Riwaayadaa Hablihii  Reer Hargeisa way wada ooyeen Jacayl dartii markii ( Baxsan ) ay dadka dhex carrartay iyada oo u waallatey (Rooraaye) oo aabi ku metallaayey.

Adigu ma kuwii  Hablaha la ooyaayey ayaad ahayd habeenkaa ?

Mooge:” waar anigu jacaylkaa iyo dhukh dhukh daa ma aqaanee”

Waa inoo Doorashada.

Odey: ” Wadda hadalba haad kaas ayaa kaa hadhay”

Way dhamaanaysaa oo wakhtiga ayaa soo af jaraaya sheekada indho sarcaadka ah ee Waddani.

Waayo kuma dhisna afkaar iyo caqli toona waxaa isugu hadhaaya in ku shaqaynaysa fiqi tolkii kama jano tago.

Mooge : ” Adiga maxaa tolka  kaa reebay.
Miyaad arkayn.

Odey: ” Somaliland oo dhan ayaa aniga ii toll ah.
Sakaarrana laba tun oo la kalla qallo ma laha”

Adiga taadaba aan kuu raacee Mooge yaad tollka u taqaan?

Yaad se Shisheeyaha u taqaan ?
In badan ayaan ka maqley Xisbiga Waddani arintaase.

Mooge :” Sawkii Raga qaar lahaayeen Geella ayaa isugu kaaya jirra ”

Adigu ma waxaad ka liidataa gabadhii yareyd ee tidhi dhiiga ayaa isugu kaaya jira?
Horta miyaad dhiig iyo uus toona lahayn.
Dhiiga lagaa qaad.
Waar wuxu waa billaa dhiig.

Odey : ” waar filim hore loo daawaday laguma soo cel celiyo zxp ”

Hebel ayaa sidaa yidhi iyo heblaayana nin lagu beer  laxaw sado ka wayni.

Shaxdaadu waa afaray ku shax oo godka aad degayso ciyaarta waan sii garanayaa.

Hadii lagugu fahmana si kale ayaa loo dhigaaye iska daa badawnimada zxp.

Mooge: “hadaad ila yaabtay waa sax ”

Anigu in aan ku toosiyo ayaan kuu sheegayey callashaan tolniimo.

Laakiin waad ila fahmi wayday sxb.

Waxa anigu aan arkayo ayaanad arkayn.
Indheer garad ayaan ku mooddayey ma se tihid.

Odey: ” Mooge dey maxaad tidhi indheer garad ayaan ku moodayey”  ?

Ma adiga ayaa bixiya Liisanka Indheer garadka.

Hadaad bixiso aniga hay siinin.
Ka in dhaw garradka aniga iigu ducee xagaagga .

Kolay dhinaca kalle ayaan ka noqonayaa indheer garade.

Mooge :” hada laga bilaabo TV iyo Radio ama Idaacad ayaan ka soo iibinayaa China .
Tolow ma ka soo gaadhsiinayaa doorashada?

Odey : “Alla oo iminkaba mallaha maad arage waar  qaar xagiina u badan ayaa ka jira dalka ee miyaad ogayn”?

Ma hayb ayey inader idin kulla socdaan mise Dufan.

Mooge:” Mabda ayuu Xisbigayagu ku wada  socdaa Anaga iyo in uu isbedel keeno”

Wakhtiga is bedelayana bidix midig kulla socoo.
Ayaanu qaadaynaa anagu kkkkkk.

Odey :” dee waar iminka waad is xariifisaa Moogow waabad heesaysaaye”

Sawdigii iminka igu canaannayey maxaad habeen iyo hayb noogu raaci wayday.

Ilaahaw haa iyo maya meel hanagaga wada yeedhsiin.

Berigii hore ayaad ku wanaag sanayd xaga mabda,a iyo dimuquraadiyadaba.

Xiligii (Riyaalle )markay Jeegaanta noqdeen Ceerigaabo, Meydh, Oodweyne  iyo illaaa Buurta Saw iyo Boorame.

Asal ayey ahayd berigaa saw maaha?

Mooge: ” Udub asal ayey ahayde waxaa loogu Dawgaley yarkaa (Jamaal Cali Xusseen)”

Goor baas ayuu ka yimi Bangigii la sheegayey ee Africa ku yaalley.

Hada waxaa laygu yidhi 200 oo Rubood ayuu qaadan jiray Labadii Caano maalba.

Bal miyuu iska gurto lacagtiisa mabay dhacdeen Udub .

Odey : ” Oo weli miyaad u callaa calaysaaba ”

Jamaal waxba muu ridin Udube Ragii uu gacanta ka geliyey (Riyaalle)  Buugii iyo liisankaba ayaa ku shaqaysan kari waayey oo Gaadhigii oo cusub qallay oo mishiinkii iyo candhadiiba fasaxay.

Odey : ” Udub iyada oo spare parts ah ayey 3 dada Xisbiba ku kalla jirtaa”

Miyaad body gii gaadhiga ama qoloftii aanad arag sawtan uu Waddani Rinjigii uun ka bedalay ee Geerashka Iimay lagaga buufiyey kallarka Orange ka ah ee u eeg Tiyaatarka Cumar Caydiid.

Mooge : ” Waar ka daa maahee ”

Oo yaa ka keenay dhakadaa in Bodyga  gaadhiga Udub la saaro  Waddani inta Rinjiga laga bedallo.

Odey :” Yaa kalle wiilka sirta Xisbiyada dhameeyey ee Xisbi walba ku jira ”

Caqaayada oo qudha ayey Ucid lahayd  oo Cirro kalla yimi.

Jamaalna isna Caqaayadii Udub ayuu la yimi xaga Ucid.

Markaa Digo iyo Dambas ayaa la kalla gatey.

Mooge:”( Waran Cade) Godkaa ma qodmo waa ninka ku takhasusey baabiinta Xisbiyada ”

(Riyaalle) ayaa sheegay oo yidhi dhabta libaaxa isaga ayaa ugu dhow oo uu gurigiisa ayaabu  joogaa Libaaxuba.

Odey: (Daahir Riyaalle) isagu Abaalkii Dhabta Libaaxa wuu celiyey .

Cidi se may calfan oo waa Nasiib nacasnimo ayaa se ku jirtaye.

Aniga haygulla meeraysan ee adigu is eerso  Moogow .

Meel aan waxba kuu oolin ayaad Hees ku wareerisay.

Waagaa beryaayaa waa Waddani .

Ayaad iska leedahay.
Waxba beryi maayaane
Cillaajka Siyaasadda ayuunbuu noqday Waddani.

Bal intaa ku Silsiladeysan Rag eeg ee Dr Gabboose u qaybiyo Kiniinka Hurrdada ee uu Cirro kow ka yahay.

Niyaw malla Cirro waa Overdose oo kiniinka hurdada ayuu ku badiyey isaga.
Waallida ayaa ku badan oo wuu tolniimo siiyaa mallaha.

Sheekadii  taxanaha ahayd ee Odey iyo Mooge la soco qaybaha danbe……………………

By  Ibrahim (Xabbo)

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS