Qormadii 8-aad Sheekadii taxanaha ahayd ee Odey iyo Mooge Qalinkii Ibrahim Xabbo.
September 9, 2017 - Written by Admin

Mooge: “Maanta hadeynu   kursigaa Weyno ama Doorashadaas dhacno Odoyaw inan teenaa guur beeleysa.
Adigana waa kulla dheel dheel.

Odey: ” Mooge maan fahmin hadalkaas sxb.
Maxaad uga jeedaa ?
Inagoo ayo ah ileen isku Xisbiba ma nihine ?

Mooge : ” Xisbi lahayne miyey naan wada dhalan sida Gabiiley iyo Berberra ay u midoobbeen.
Maxaa inaga inoo diiday inader?

Ceeb ayaa ka raaci dadkeenii qabka weynaa ee sanka ka hadli jiray ee geed labaka isaaqa ahaa hadeynu maanta dhacno.

Odey: ” Waar maxaa ku helley?

Miyaad ilowdey inaynu laba Xisbi kalla ahayn?

Waa maxay sheekadan yar ee riqiiska ah ee aad saaka igulla soo kalahday ?

Mooge:” Inader hadal lays amaahin maayo danbe ”

Hadii Reerku maanta tashan waayo.

Weligii dib loo arki maayo.
Runtaan kuu sheegayaaye maanta Rag waaweyn ayeynu nahaye Reerka aan u tallino  oo Ismaaciil Sheikh Isaxaaq mideyno nacasnimo kugu maan ogeyne.

Odey: ” Ninkaan lahaa Deyrta u guuri ayaa like qotoy ayaa nin laga hayaa”

Waan kaaga hanwaynaa intaas Moogow.

Saaxiibal caqli ayaan kuu haystaye maxaa ku heley inader?

Mooge: ” XaleYto Rag badan oo Ismaaciil Sheikh Isaxaaq ah ayaanu arinta ka wada tashaney ”

Waxaanu Odorosney Natiijada Doorashada iminka waa inagiiye.

Hadii sidan Reerkeenu ku sii socdo oo inagu wax ka bedali wayno sidan weynu jabeynaa.

Markaa waa Haldoorka Reer ku isu yimaadaa inader.

Arintaa Raga igalla shaqaynayana kow ayaad ka tahay inader.
Maanta kaftankii wey dhaaftay.

Odey : ” Waar maxaa la tusey Mooge”

Raga aad xallay arinta ka wada tashateen yaa ka mid ahaa ?

Mooge: “waxaa ka mid ahaa Qurbe joogii Reerkiina oo dhan.

Waxaa ka mid ahaa Ragan.

1. Cabdi (Habayac)
2. Ismaaciil (Hurdaaye)
3. Aqoonyahan (gadhle)
4.Siyaasi (Hooyadeybaa Nin dhashay)
5. Eng (libaax libaax dhaley)
6.Indheer garad (Cusbo )
7. Gudomiyaha garabka dhalinyarada Garxajis (Gofindha)
8.Gudmiyaha Ururka dhalinyarada Cirka iyo Dhulka( Rolando)
9. Nabadoon ( Bad laac)
10 . Nabadoon ( Dhul Hurguf)

Cidiba kamay maqneyn xagiina.
Meesha Haldoorkii ayaa isu yimi.

Odey: ” Kkkkkkkkkkkk
kkkkkkkkkkkkk
Waar  Mooge maxaa ku heley inader ?
Miyaad  isku dhex daatay?
Dee anigu miyir qab ayaan kugu ogaa.
Wax badanina waa qaldanyihiin.

Mooge: ” Hadaanu ku nidhi ilaahay ayaa iskeen badaye aynu tashano oo weliba aynu hada inta goori goor tahay midawno miyaaney sax ahayn?

Odey: ” Waar  weli tan oo kale yaa arkey”
Waxaagu waa bil khasab miyaa iyo Amar”

Dee Adeer tol waynu nahay oo ma diidani.

Waa sax inaynu ilaahay inaguma keenee Masiibada isaga gurmano.

Maxaad igu canaanatay ee aan dayacay ?

Goormaan kaaga tagay dhibaato ama aan dayacay kaalintaydii?

Mooge: ” iska daa dhega adeyga oo Arin iyo Aduunba waa lagaa rabaa Odey saaka ”

Hadii kale Reer keenu wuu jabayaa waynu ka baxaynaa Saaxada.

Odey: ” waar dee waan kaa qaleeyey in badane waa ku sidee ?

Ha ka nixin ayaan lahaa waan kaaga tudhayey hadalka.

Laakin fartaa lagaa saarayaa runta.

Indho adeyg ayaad wadaaye.

Goormaynu isku Xisbi noqoney inagu ?
Miyaad ilowdey in aan anigu Kulmiye ahay sxb?
Adiguna aad Waddani tahay.

Waar yaan lagugu qosline Arintu waa Xisbiyo.

Qaadhaanka tolkana diyaar ayaan u ahay laakiin dee haygu khasbin Xisbigaaga.

Cirro anigu dooran maaye adigu dooro.

Weliba heestaa uu qaado (Hanuunniye) iga gaadhsii wuu yimiye.

Jacayl aan lagula wedin
Wakhtigaagga  yuu lumin.

Mooge:” Caduur dhaw dhawdu uma dhicin”
Reerku ha tashado ayaan leeyahay isna Xisbi ayuu ka hadlayaa.

Waar miyaad Arkeyn Cali (Gurey) siduu Reerkoodii isugu duba riday.

Ma isagaa qarsadayba TV ga ayuu ka lahaa ka soo kacaay.

Odey: ” Adeer Qoolley qoor qabasho biyo kuma cabto ”
Dadkana khasab kagama dhigi kartid  Waddani.
Sidaa hada Wadaan.

Mr  Cirro wuxuu qaadayaa Hees Callaa Cal ah oo uu qaadi jirey ilaahay haw naxariistee (Axmed Mooge)

” Turuq iyo laxaad iyo tamaro iyo xoogey jacayl iga tan roonbaa.

Igu tiirshey geedoo xadhig igu tig tigayoo waan tiicayaayeey.

I taageer allahayaw arintaydan kalla taal
Adaa toosin karrayee.

Mooge: ” Maanta haduu Reer ku jabo ogow adigaa jabiyaye”

Biyihii ayaa laguu diiday.
Nolloshii ayaa laguu diiday.

Niyaw ma Guul -Wade ayaad weligaa ahaan doontaa iyo Jin Dagaagey ?

Odey:” horta Ragan aad ii tirisay ee aad lahayd waa Reerkiina oo waanu shirnay dee  awalba Xisbigiina ayey ahaayeen.

Inader Xisbiga aamina oo iska daaya Magacan  Reerka ee aad ku waallateen gudo iyo dibadba.

Arinta Cali (Gurey) waa nin Run sheeg ah oo kalsooni badani ka muuqato.

Hadalka dadku hoos u yidhaahdaan ayuunbuu kor u qaadaa .

Labada sheeko isma khuseeyaan ee aad isku dabaqaysaa Reerkoodu daawo siyaasadeed ayuu lahaa iyo taxaaluf iyo maqaalufo.

Ninka Wajaale iyo ilaa qoyta isku xidhay ee hadana ilaa Gar adag iyo Sarraar isku tolay.

Anigu xageen kaga hadhaa.
Waar hayga Reerib dadka.

Adigaa go,o doon ahe aniga igu dari maysid.

Sallaxley iyo Oodweyne ayaad kalla dirtay oo aad  leedahay Somaliland ayaan isu keenayaa.

Adeer biyahan Hargeisa ee aad Caruurta ugu sheekaysana afarta koonaba Booyad ayaa la dhaansadaa .

Kuwii lacagta biyaha cuney iyo kuwii wax kharibay Waddani ayey dhex fadhiyaan.

Alla maxaa Mas iyo Hallaq dhex  sunsumaya  Waddani.

Mooge :” Hees ayaan kuugu sheegayaa mallaha kuwaas ayaad taqaanaaye”

Sida laba wallaallaa
Inaan noqono waa libin

Sida leeb ka dhacay qoriii inaan noqono lama huraan.

Ana lahansho awgaa awgaa ma ledoo hurdada baas.

Lixda saac habeenimaa lilloow laygu heesaa.

Hadaad adigu ladantay tahay.
Inaan liito ma ogtahay.

Odey: ” Arintaadu sxb maanta callaa cal iyo khasab iyo hadana beer laxawsi ayey isugu jirtaa.

Marna waaba baalla xoofto oo waxaad leedahay Haldoorkiinii ayaan la shiray.

Markaa hees lagugu daadinayo ayaad is taahishaaye iga qabo sxb Tubeec iyo Maandeeq.

Gollow iyo shinbiro garabsatee.

Sida Aar la ganey gurxantee.

Anoon kuu garaabayn haa gadhka hay qabanee.

Guri wacan allahayoow
Gedaan rabo allahayoow

Gaadhi mayside waxa kula gudboon inaad ka gaabsataayoon.

Nafta samir u geysee
Nafta samir u geysee

Mooge: “Iminka ma aynu jabno ayaad talo ku goysey ” ?

Odey : “Adeer anigu jabi maayee Xisbigayga iyo Musharaxayguba waa guul ”

Cid jabaysa iyo cid wax noqonaysaana ma jirtee

Imisa goor ayaanu dhacnay oo aanu ka nool nahay.

Waad dhacday adeer cidi kuma gumawdee is deji.

Xisbiga iyo Musharaxa ayaa kugu cusube.

Doorasho dad wada wallaalo ah ayeynu ku jirnaaye jooji muusanawga.

Waa ku sidee bahashiiba Jihaad ayaad ka dhigtaye

Iska fur shaadhkan aad badhankii ugu sareeyey kuu xidhan yahay dee ama taay xidho.

La soco qaybaha danbe sheekada Odey iyo Mooge………………

By Ibrahim (Xabbo)

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS