Qormadii 9 aad ee Sheekadii taxanaha ahayd ee Odey iyo Mooge.
September 10, 2017 - Written by masalaha

Qormadii 9 aad ee Sheekadii taxanaha ahayd ee Odey iyo Mooge.

Odey :” Waar yee Mooge oo kii Cirro ma faal ayaa u qabtay gadhkii ayuu la baxaye “?

Mise Axmed Siilaanyo ayuu nashqada ka xadayaa.

Isagaa beri gadhka la baxay markuu guuleysanaayey.

Mooge:” Waa sunihii Rasuulka gadhka haduu la baxo  Sxb”

Adigu ma ilaa gadhkii ayaad mareysaa ?

Odey : ” Waaryee Mooge waxaad Riyo ku noollaataba  ma maantay ku soo dabartay”?

Mooge : ” Maxaa dhacay ee aad aragtay”?

Odey : “Waxaad dadka u sheegto oo aad tidhaa Gudi Garxajis ayaa jirta.

Shir Garxajis ayaanu
qabanay.

Miyaaney kaa hor imanaynin arintaasi ileen dadkeenu maaha Ajanabi iyo Ferenji  wax walba loo sheegayo.

Mooge:” Maxaa dhacay ee aad maqashey?

Way isku toosanyihiin arimuhuye.

Saw tii hore shirka aanu u qabaney hadaanu nahay Ismaciil Sheikh Isaxaaq.

Ee Haldoorkii Reerka ama labeentii oo uu Hogaaminayo Muj hadana Aqoonyahan welibana Siyaasi Ismaciil (Buu Baa ) ay isku shubeen Waddani maxaa ka daba yimi Zxp ?

Odey: ” Waxaa ka daba yimi adna waad ogtahay ana waan ogahay Sxb”

(Marrooro) gabadh Hargeisa ka caan ahayd ayey ahayd Xiligii Mustacmaradii England.

(Marrooro) waxay ahayd gabadh wax ka yara si ahaayeen xaga maskaxda.
Hadana hadalkeeda laga dhigto halku dhigyo.

Waxaa lagu yidhi ” Marroorooy Nebiga ku Sali ”

Waxay tidhi Dad aanaan is aqoonin afka haysu kaaya gelinin.
Kkkkkkkkkkkk.

Iminka aniga iyo Odeygaa ii Adeerka ah afka haysu kaaya gelinine waa (Buu Baaye)

Miyaan kuu waramaa Moogow kolay wax waad ogtay laakiin waad ka yara dhacaysaaye.

Mooge: “waxba kama dhacayo  aniguye soo daa warka”?

Odey: “Shirarka ka socdey Massalaha Hargeisa ee hor dhaca u ah Xafalado waa weyn oo ka dhacaaya Degmooyinka Sallaxley, Bali Mataan iyo Hargeisaba oo ay Beeshu 80 % ku taageerayso Musharaxa Xisbiga Kulmiye Al Muj Muuse Biixi Cabdi .

Halkaas oo Geellii iyo adhigii  weftiga faraha badan ee isugu imanaysa goobtaas loogu loogi lahaa ama loogu qali lahaa hada la diyaarinayo.

Mooge: ” Ka daa hadlkaa inader oo tolka ha kalla irdhaynin”

Hore ayuu tolku u shiray gudi Garxajis ayaa jirta oo bir ma geydo ah.

Reerkuna sanadkan Musharaxiisu waa Mr Cirro .

Haani Gunta ayey ka tolontaa inader Odayaw ha kalla kaxay Reerka Inader.

Odey:” Anigu war aan hubo ayaan ku siiyey inader”

Labada wiig ee soo socdana waad arki sida wax u dhacaan.

Hadii aanad warkeygaa jeclaysaneyn dee ha odhan waxbaad kalla daadinaysaa.

Gudiddaada iyo Xisbigaaga iyo hawlahaaga iska wado oo kolba magac u isticmaal.

Anigu se kuu waramay.

Mooge:” Nin ku xiga naxliga kuu gallaa nudayga kaa goo”

Inader maxaa ficilkii kaa qaadey miyaanad ahayn  Gaashaan Buurtii Bilcin Tubbane?

Odey: ” Owowgey ayuu ahaa ninkii Bilcin tubanaha aad sheegayso yidhi “(Haddi Bullaaleh) ayaa la odhan jirey.

Waxaan xasuustay Beydad ku jiray Heesihii Qaraamka ahaa ee lagu qaadi jiray laxamada kalla duwan sida.

Raaxeeye.
Xaafuun.
Aroor.
Nugul.
Laac.
Ciil.
Beer Dillaacshe.
Riftoon.
Subcis ama (Lii La Law)

Dheel dheelliyayoo waxbaa i dhuftoo Cirka iyo Dhulka meel
Dhexdoodda ah
Oo Dhanaba jirin
Baan dhac dhacayaa.

Ilmaadeertu waa isu hiilin jirtee
Ax maad odhan Oohintaydii.

Waayaha Dunidaba nin wayda hayiyo
Wanaag nin qabaa wallaalo ah.

Waxaad jeceshoo jar kaa xiga.
Ileen indho sooma jiitaan.

Waxaad weleftoon wed kaa helin.
Ka waan toobbay waa war loo noqon.

Mooge: ” Hadaad soo qaadatay Heesihii Qaraamka ahaa oo aad ii balweysay aniga”

Aniguna Beydad ayaan soo qaadan Heesahaa ay lahaayeen kooxdii ugu horeysay fanka Somaalida ee Wallaalo Hargeisa.

Ama aniga haygu socdaan ama adiga ha kugu socdaane  fasiro.

Nabsigu wuu dhaxaaye kuma dhaafo.
Ma dheere e wuu ku dhinac yaallaa.

Ayaamaha Nabsigu ma eex daanoo,
Iminka anigaa ilmaynaayee.
Bilaynood adna maalin Oydaa.

Hubaal Awadaa Cishqiga i hayaa,
Hedeyduu  jaruu u halis yahay.

Barroor diiqdu meydka waa ka badh.
Ee bagaanad ina soo bariidin.

Odey:” Weli doorashada maad fahmin Inader Moogow”

Waa maxay Muusanawgu ma Geellaagiibaa Cadaawe qaaday oo aanu kaaga soo gurman weynay?

Mooge: ” Yes ”
Haayoo Geelleenii ayaad adigu rabtaa in la qaado”

Odey: ” Oo cadawga ma waxaad u haystaa dadka wada wallaalaha ah ee tartamaya iyo Dimuquraadiyada”?

Mooge:” Fiqi tolkii kama jano tago”

Xabbaal ayaa xigto ka maarmi weyday.

Nina intuu kuu jiro kuuma soo dhaafo.

Nimaan kuu furi doonin
Yaanu kuu rarrin.

Waa laysu ab tirsaday. Adiguna Dumuquraadiyad ayaad ka had leysaa.

Maxaa kaa si ah Inader?

Odey: ” Waar ma anagaa waallan mise Caddan baa laga heesayaa” ?

Yaa Cadaw ah ?
Yaa Shisheeye ah ?

Ma dadkeyga ayaad qaarna iiga dhigaysaa Cadaw qaarna Sokeeye.

Maaha wax la aqbali karo waxaaasiye.
Kalla dhex bax adigu maatida aad habeen iyo maalin aad u sheegayso naxliga iyo sheekada riqiiska ah.

Ma Muuse Biixi Cabdi oo musharaxayga ah oo shalay Ciidamada Hargeisa ee SNM hogaaminayey.

Ayaan maanta Cirro oo uga qabaannayey Afweyne Mosko Xiligii ugu xumaa  aan ka doortaa ?

Dunbuluq iyo Goljano adeer waa ilmaadeer.

Qudhac dheer iyo Sheekh madarna waa ilma Abti.

Laba nuux iyo Xidigtuna waa Habro Wadaag.

Callaamadaha iyo Jigjig yarna waabay isku mulaaqanyihiin calla shaan tol iyo xidid.

Jameeco Weyna Adeer waa Fadareeshin iyo isku dhex karis.

Xageed joogtay Moogaw markaanu Jameeco wayn Botorka iyo jaandheerta isku laba rogaynay ee Hargeisa laga Ciyaari jirrey?

Miyaanu Cumariid ina Jibaax nagu odhan jirin igama qudhuntoo igama guba tooo.

Yuu ahaa Cumar Iid?
Adeer Nin Reer Xarraf ah oo hadana Reer Jameeco Weyn ah ayuu ahaa.

Sheley ayaad Reydab Khaatumo intaad ka timi Hargeisa  aad rabtaa inaad kalla kaxayso.

Mooge:”Aniguba Reer Hargeisa ayaan ahaa weligay ”

Odey:” Hadaad Reer Hargeisa ahayd miyaad car garro Ragan iyo dumarkan magac yadooda”?

1.Qum Dariirran
2. Bisadeeye
3.Cali Tuke
4.Cadho Allah
5. Lug Qudhaanjo oo hal hays u lahaa Canbeey.

Dhinaca Hablahii hore ee caanka ka ahaa Hargeisa.

1.Timo Cad
2. Ina Qorane
3. Big Wac

Mooge:” Waxay ahaayeen miyaa qoladan aad magacyadooda  tirisay kuwii hargeisa u Ciyaari Jirey (Hand Ball) Haan Boosha.

Odey: ” Hadaad Reer Hargeisa ahayd Xaafadee ayaad deganeyd”?

Mooge:” Waxaan degenaa Xaafada (Lug Libaax)weliba halka laga dhisay Hotel Xamdiga Ina Af Diinle.

Odey: “Halkaa waad ku dhacday”

Alla indho adagaa ma IL Kaluun ayuu Mooge liqay

Ku yee Xaafada (Lug Libaax )weliba Kaalinta Ina Af Diinle.
Kkkkkkkkkkkkkkkk
Kkkkkkkkkkkkkkkkkk

Miyi Cidla ah ayey ahayd halkaa Kaalinta Ina Af Diinle hada  laga dhisay.

Waa Beertii Qollada Guuyoobe ee Cali iyo Cadaaniyo ee aanu dhafaruurta ka guran jiray markaanu  (Xaaji Kudaaf) tagayno

Waan ku arkay Hargeisadan danbe arintaas Qar iska tuurka ah.

(Gacan Libaax)ayuu isleeyahay dheh ku yee (Lug Libaax)ayaan u qaatay Miskiin  yaa Mooge.

Mooge:” waanu soo gaadhnay ilaa Xaafadii Fakinka ee  Suuqa badhtankiisa ku taalay”

Odey:” Waar Aamus Afka Goosee  hadaba”

waxba garan mayside waad indho adagtaye”

Ku  yee” Xaafadii Fakinka (Fucking ka) ee  Suuqa badhtankiisa ku taalley”

Tolow ma waxa uu u jeedaa (Sekata LiiRe )?
Sheekooyinkaa uu yara bow bow sadey ayuu kolba intuu qaldo hadana is xariifinayaa.

Mooge:” Adeer Hargeisa dii hore cirka la tag”

Anaga maanta cidina nagagama badna.

Gollaha deegaankana waanu ku jirnaa.

Odey:” Waar Mooge sawdigii lahaa mar dhawayd isku Qollo ayeynu nahay”?

Imisa qof iyo imisa Qollo ayaad  inader ?

Kolka aad Rabtana Reer keena aynu sidaas iyo sidaas nidhaahno kolkaad Rabtana Qollo kale oo la yidhaa (Isku Fillan) ayaad noqotaa

Waan kaa yaabay Fariid nimadaada waa halkii Boqor Buur -Maddaw e Ciyaalkii ayaad nagalla sheekaysateen oo aan idin fahmin ilaa hada.

laakiin hada  waanu u  waramaynaa dhalinyaradana.

Mooge:” Xiligii Ollolaha weli lama gaadhine is dejiya”

Odey:”Saaxiib idinku waa dhamaysateen hadaa Waddani tihiin ollolihii deegaankayaga”

Laakiin hada ayaanu ka dhex bilaabaynaa Hargeisa weliba.

Axmed Dhagax
Xaafada Ayaxa,
Maxamuud Haybe
Maxamed Mooge
Gacan libaax.

Xaga Hawdkana.

Bali Gubadle
Gunburraha
Sallaxley
Bali Mataan
Sabbo Wanaag
Caddaadley

Waxaan ogahay in lagu kalla adkaanayo oo aad ku hungoobaysaan Dhulkaas.

Mooge:” yaa kuu waax yooday ee kuu sii sheegay waxa maqan”?

Adigu waxba ma ogide tolkaa adeer soo raac waa Waddaniye.

Odey:” Waad ku caano maasheen sheekadaas qabyaalada oo dhufays a ayey idiin noqotay laakiin waxaa loo bedalayaa qabyaalada  Degmo, Gobol iyo wixii is ogol ama kooxo.

Aniguna Midnimadii hore iyo wanaagii Reer Hargeisa ayaan ka shaqaynayaa.

Reer Bali -Gubadle ama Reer Axmed Dhagaxna waanu ka wada soconaa Arintaa.

Xafiiskayaguna wuxuu ku yaallaa Massalaha Hargeisa.

Waxaana iiga Markhaati ah Xoghayihii hore ee Gollaha  Wakiilada marna ahaa Gudoomiyihii Haa,yada Aydhiska Mohamed oo loo yaqaano Mu a,dinka iyo Maxamuud Jaamac Kheyre.

Qabyaaladayadu anaga waa taas Reer Hargeisa  oo taada Garxajisiyada ka qurux badan.

Markaa sxb Tab hayoow lagaa tab hayee.

Mooge:” Sallaxlay iyo Beli Gubadle gartay miyaad iskaga darsanaysaa Sabbo wanaag iyo Cadaadley

Miyaad ogayn waa laysu Cadaysanayaaye inay yihiin (Siciid Ismaaciil)?

Odey:” Sabbo Wanaag horta ma taqaanid oo Barri ayaad ka timide waan deganahay.

Niyaw dadku waa wada dadkeenii waa wada ilmaadeer,

Seylac iyo ilaa Sanaag Barri.

Miyaanad arag Raga isku laba Rogaaya Kulmiye ee ah Isaxaaq Care ama Hargeisa deyda Caashaqa .

Gudmiye Mohd Cabdi dheere.
Ex Wasiir Cabdilahi Geeljire.
Mohd Baar jeex.
Boqor. Salleebaan.
Suldan. M Abdi Cabdilahi Xaji Aadan.
Suldaan Maxamed Sudaan Xassan (Bare)

Adeer Hargeisa oo codkeedu uu noqdo 40 % tirada guud maanta waa Muuse iyo Kulmiye weligaaba geeso yeelo marka runta laguu sheego.

Barri iyo Galbeedna hore ayaa lagu soo kalla hagaagay.

Mooge:” Kaalay oo yaa nagaga badan Hargeisa hadaanu nahay Ciyaalla Waddani Korka ka Waddoo”?

Odey:” Maxaan korka ka wadaa miyaad sheegtid waa layska fahmayaa waxaad u jeedee”

Adeer marka doorasho iyo tiro koob ama kaadh qaadasho jirto.

Nin walba halkii Xudun tiisu taalo ayuu iska xaadiriyaa maalintaa.

Meel walbana waxaa isugu soo hadha intii ilaahay baday ama asal u ahayd.

Mooge:” Ilaahay ayaa dadka ka dhigay Qabiilo siday isugu gartaan markaa Reero ayeynu nahay”

Quraanku muu sheegin  Xaafado iyo Degmooyin in laysku raaco.

Odey:” Qur,aanku ma waxa uu sheegay in aan Waddani Qabiil ama habeen ku raaco”?

Adeer lafahayaga ha noo den baajinin.

Oo kolba dhan ha nagaga imanin sidii Roobkii Caydhka ahaa.

La soco Qaybaha Danbe Sheekada Odey iyo Mooge………………

By Qalinkii
Ibrahim (Xabbo)

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS