Taageerayaashu Musharaxa Ay Raacsan Yihiin Waa Inay Umada Ku Qanciyaan Sida Uu Dalka u Xukumi Doono… Qore:Cisman Cumar Dool
September 10, 2017 - Written by Admin

Dhaartii baa u hadhay, imikadaa waa Madaxweyne nasaqan, waa Mujaahid iyo sawir Gabiley ah oo ay soo dhigaan. Awood iyo aqoon intaa dhaafsisan ma laha tageerayasha ururiska ee Muuse Biixi.
Waa taageerayaal very desperate intooda badanina ma yaqaanan sidii ay u qeexi lahaayeen ama umada ugu qancin lahaayeen in Muuse la doorto. Keliya waxay ku ururaan halka ay ku arkaan cid criticism gareynaysa markaana ma sheegaan wax macno leh, ee keliya waxay ku luqeeyaan intaa xaga sare ku qoran ama intay mawduucaba ka baxaan oo ay qofka Messengerka weeraraan cidlana ku xiqaan ayey ka adkaadaan.

Hadii aad qaarkood si gaara ula xidhiidho ama aad live ba u hor fadhiisatid waxay kuu sheegayaan inuu dalku baaba yahey, Muusana uu cidla joogo oo aanu nin magac lihi ag joogin.

Marka laga reebo inta Qabyaalada kula socoto oo aan la yaab laheyn marka loo eego waaqiciga dalka ka jira, Intooda kale mabda kulama socdaan, daacadna uma aha ee 90% tageeradoodu waa personal interest, mid shaqo yar dawlada ka haysta, amaba mid uu taageera meelaha boobka joogo, iyo mid Maalin dagaal ku kifaaxaya. Sideedaba hadii wax kala iibisi uu meesha soo galo Jano dhimatey.

Gebagabadii Taageerayaasha daalanow dhawrkaa week ee hadhay Xudur iyo Nagaadi mid uun u dhaca, oo ama Muuse waa Musharax Saylada taagan ee isku daya inaad umada ku qancisaan inuu yahay ninkii ku hoboona xukunka dalka iyo dadka ama kala taga Munaafaqada oo mabda’iina cadaysta.

Alla Mahad Leh.
Qalinkii Dr. Osman Omar Dool.
Oslo Norway

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS