Abwaan AXMED CABDILAAHI (AXMED FARTAAG) :- GABAY KA HADLAYA XASUUQA BURMA IYO MUSLIMIINTA ROHINGA.
September 11, 2017 - Written by Carab

QATAR( GRN):-Gabaygan waxa uu ka hadlaya dhibaatada lagu hayo Musliimiinta  Rohinga oo ah  bulsho ku nool myanmar \ Burma  gaar ahaan  gobolka Arakan.

Waxaa curriyay Abwaan Axmed Cabdilaahi oo loo garan Ogyahay (Axmed Fartaag), Waxa uu Abwaanku ka Gilgishay Dhibaatada ba,an ee lagu hayo muslimiinta myanmar/Burma taasi oo ah gawraca Culimada , carruurta, waayeelka, gubniinka da,yarta iyo dadka waxgaradka ah, barakaca baahsan ee aan hoy iyo hu,toona anay haysan ciirsi la,aanta iyo gurmad la,aanta.

Waxaa uu abwaan Axmed fartaag gabaygiisa kaga dareen celinayaa jawaab la,aanta dawladaha islaamka iyo dadka muslimiinta isaga oo gabaygiisa ku sheegay in wax aan micno lahayn loo daadiyo dhiiga balse arrintan ay ka gaabiyeen u hiilinta Muslimiinta Rohinga ee dalka BURMA.

sidda taariikhdu ay sheegayso waxaa xukunka  iskaga danbeeyay  48 Sultaan oo Muslimiin ah sida lagu wariyay taariikhda , balse qarniyadii u danbeeyay waxaa la waday dadaalo lagu isirtirayo muslimiinta Rohinga ee dalka Burma .

 

HALKAN HOOSE DAAWO ABWAAN AXMED FARTAAG GABAYGIISII XASUUQA BURMA 

 

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS