Is barbar-dhigga Sadexda Musharax Madax-weyne.W/Q: Nasir Xassan Timoweyne
September 11, 2017 - Written by Admin

Sadexda musharax m.weyne, kee baa u qalma in uu hogaamiyo dalka shanta sano ee soosocota?

Ma mudane Eng. Faysal Cali Xuseen ‘F.C. Waraabe’ (gudoomiyaha xisbiga UCID)? Mise mudane C/raxmaan M. C/laahi ‘Cirro’ (g.x. Wadani)?

Mise mudane Mujahid Muse Biixi Cabdi (g.x. KULMIYE)?

Si aan uga jawaabo su’aashan, waxa uu nuxurkeygu ku dul wareegi doonaa 3 arrimood: Xaalada dalku soo maray, xaalada maanta uu dalku ku jiro iyo bar-kulanka(intersection) xaalada dalku maanta ku jiro iyo bal musharaxa ku haboonaan kara wax ka qabashadeeda. Waxaan isticmaalayaa oo aan ku raaxaysanayaa xaqa muwaadinnimo ee aan u leehay xoriyada hadalka.

_____________________________________________________________________________________

Dalku waxa uu soo maray xaalado kala duwan oo adag. Isla markii dadka badidoodu ay isku raaceen in qaran Jamhuriyad Somaliland ah dib loo alkumo 1991, waxa la bilaabay halgan dheer oo laba dhinac ah. Ugu horeyn waxa guntiga dhiisha la iskaga dhigay sidii loo abuuri lahaa qaran Somaliland ah iyo umad ka mideysan qaranimada iyo gooni isku taaga Somaliland. Midaasna waa lagu guulaystay 80%, waxana hadhay uun aqoonsigii (Somaliland bal siday noqon doonto aqoonsi ka dibna waxaan kaga hadli doonaa maqaal kale). Intaa ka dib waxa halgan dheer loo galay sidii loo heli lahaa xukumaddo u adeega ujoodooyinka qarannimo iyo xaqiijinta qadiyadiisa, taas oo ah ta maanta dhibtu inaga haysato. Si taas loo helo, oo xukumad xalaal ah oo aan cidi isku qaqabsanin loo dhiso shantii sano ba mar, waxaan sameysanay xisbiyo ku dhisan hab dimoqradi ah (bal dimoqradiyadii aan qaadanay waxa ka dhashayna maqaal kale ayaan ku eegi doonaa).
Xisbiyadan qaranka mid waliba waxa uu ka kooban yahay koox dad ah oo rabta inay u tartanto xukun ka dalka. Koox kasta oo xisbi ku bahawday waxay leedahay hogaamiye ama gudoomiye u sharaxan tartanka m.weynenimada. Waxa iyadna halkan soo taagan baahidii dalku uu qabay oo ah ta dhabta ah ee ay tahay in loo tartamo wax ka qabashadeeda.
Meesha u baahan inaan fahamno waa in la isla doonto baahida qaranka iyo sadexda xisbi midka ku haboon ee wax ka qaban kara baahidaas uu wadanku qabo. Si kale hadaan u dhigo, su’aasha meesha taala waxa weeyi: Iyadoo loo eegayo nooca dadka uu ka kooban yahay xisbi walba (shaqsiyad ahaan, aqoon ahaan, karti ahaan, farsamo ahaan iwm), keebaa ku haboon in loo doorto (loo shaqaalaysiiyo) qabashada iyo hogaaminta shaqada qarankani u baahan yahay in loo qabto? Sadexda xisbi qaran keebaa ka saari kara dhibaatada uu dalku ku jiro maanta, horey u sii wadi kara horumarka , gaadhsiina kara heer wanaagsan. Waxase taa ka horeysa ma ku jiraa sadexda xisbi mid dadka uu ka kooban yahay maskaxda ugu jirto ama garan kara baahida dalku uu qabo isla marakaana lilaahi ay ka tahay inuu dalka ugu shqaeeyo daacadnimo, oo anay mawqifkiisu ahayn inuu u soo tartamo sidii uu wadan kan isna markiisa u dhiig miiran lahaa?
Madax meel ka sareysa oo la taabto ma jirto.

Dadka uu ka kooban yahay xisbi waliba waxa ugu saameyn badan qofka gudoomiyaha ah ama musharaxa madax-weynaha ah, waana muraayada laga akhristo awooda, kartida iyo shaqsiyada uu xisbigu leeyahay inuu dalkan si hagar la’aan ah wax ugu qaban karo hadii uu talada wadanka qabto. Ninkaad kabaha ka tolanayso kabihiisaa la eegaaye, bal igala fikir musharaxa ku haboon in talada dalka hogaaminteeda loo doorto adigoo isku beegaya marxalada dalku maanta marayo iyo sadexda musharax madax-weyne midka ku haboon in bulshada r. Somaliland go’aamiso inuu u qabto shaqada qaranku uu u baahan yahay loo qabto.
Marka aad maqasho magaca mid kastoo ka mid ah sadexdan musharax madax-weyne ee sadexda xisbi, mid walba shakhsiyad caynkee ah inuu leeyahay ayaa kugu soo dhacda oo maskaxdaadu sawirataa, adigoon u eegin qabiil? Kee ayaad is odhan kartaa wuxuu dhadhawn karaa booska shaqo ee hogaaminta dalka ee ka banaan qarankan, aqoon ahaan, sumcad shakhsiyadeed ahaan iyo xirfad hogaamiyenimo ahaanba adigoo ku beegaya nooca baahida maanta qarankani qobo. Bal si aad iskugu beegi kartid ama miisaantid musharaxa ku haboon iyo xaalada maanta dalku uu marayo, aan is xasuusino marxalada dalku maanta uu ku jiro.
Qaranka JSL, gude ahaan (domistically) waxa uu soo maray laba halgan oo waaweyn. Mid waa lagu guulaystay 80% kaa soo ahaa in la helo qaranimo ay u dhanyihiin qabiilada kala duwan ee dagan deegaankan. Mida labaadna waxa weeyi in la helo xukumad dimoqradi ah oo wadankan horumarkiisa sii wada oo ka jawaabta baahida umadiisu qabto. Midaasina waa mida dhibku maanta ka taagan yahay mar walba, shantii sano na mar u doorano cidii hogaamin lahayd, oo aan maantana rabno inaan go’aamino cida qabaneysa hogaanka dalka ee shanta sano ee soo socota, inagoo kala dooraneyna sadexda xisbi qaran. Hasa ahaatee, doorashooyinka caynkaas ah ee galno ee aynu ku raadineyno dawlad wanaagsan oo qarankan horumar gaadhsiisa, waxa ka dhasha arimo khatar ah oo keeni kara in wadanku dib ugu noqdo raadkii uu soo maray ee ka soo bilaabmay 1991. Dhibaatooyinkaas aan carabaabay na wax ka mid ah kuwan soo socda oo ay ug weyn yihiin labada ugu horeeya.
Dhibta maanta dalku qabo oo aanan halkan ku soo koobi karin hada ee aan wax yar ka taataaban doono ee la rabo in laga qabto wax, waxa ka mid ah:-

1) In qaranimadii Somaliland ee loo ordayey dhismaheeda wakhti badan, ay noqotay mid ay mar walba cida loo doorto inay hogaankeeda qabtaan kaligood gooni u maalaan, oo ay sidey doonaan ugu takri falaan, dadka inta soo hadhayna u garbo duubnaadaan. Hadaba Sadexda musarax madax-weyne, keebaa ugu dhaw oo midaa wax ka qaban kara, oo ka dhigi kara qarankan mid lawada leeyayhay? Keebaase arrinka uga sii dari kara?
2) Qabyaaladii boodhka ayaa laga laga tumay oo isticmaalkeedu waxa uu marayaa halkii abid ugu saraysay taariikhda Somaliland. Taasi waxay keentay in kalsoonidii umadu ku qabtay qarankan iyo isku xidhnaantii bulshada (social cohesion/intergration) ee mudada dheer dhismaysay ay maanta meel xun marayso, ilaa qaranku qarka u saaran yahay burbur, aan se dadkeenu dareensaneyn. Sadexda musarax madax-weyne, keebaa ugu dhaw oo midaa wax ka qaban karaa? Keebaase arrinka uga sii dari kara?
3) Dhaqaalihii dalku meel xun buu marayaa.( a) Waxa qiimo beelay lacagtii qaranka Somaliland, oo culayskeedii, waxtar la’aanteedii iyo urteedii cid walba necbaysatay inay isticmaasho. Ogowna sida ay u culus tahay, u ur xun tahay, u waxtar yar tahay, waa sida aynu inagu nahay maanta, inagay inaga turjumaysaa. Sabab kasta ha ku timaadee, lacagtii Somaliland waxay noqotay lacag dalkeeda qariib/marti ku ah oo doolarku gumeysto oo aan sicir (qiimo) lagu goynin, oo aan lagu bixinin biilasha, sida kirada, laydh ka, cuntada, dharka, dahabka, iyo wax walba, ilaa isku badalka doolarka loo isticmaalo.

(b) Waxa dhacay sixir-bararkii abid ugu darnaa ee soo mara qarankan, ilaa wax iibsigii dadku hoos u dhacay qiyaas aan macquul ahayn, oo xataa quutal daruurigii cidhiidhi galo.

(c) Musuqmaasiqu waxa uu marayaa heerkii ugu sareeyey abid, ilaa uu noqday wax iska caadi ah oo an laga xishoon ee lagu faano, loona shaqo tago.
(d) Ducfi dawladnimo ayaa dhacay, taasoo ay cadayn u tahay inay dawladii awoodi wayday inay xakameyso xaaladaha taban ee wadankeeda ka jira, sida sixirbararka, iyo amarkeeda oo fuli waaya. Tusaale u soo qaado, halka uu marayo maanta go’aankii dawladu ka soo saartay xakameynta qiimihii isku badalka lacagaha ee cirka isku shareeray ( doolarka iyo shilinka Somaliland), go’aankii ay ka soo saartay isticmaalka Zaad oo ay ka mid ahayd in

$ 100 wax ka yar aan saad lagu diri karin, amaradaas oo mid koodna aanuu meel marin, mid walbana dhibkiisii uu sii siyaaday. Waxayna xaaladii isku badashay ‘ka dar oo dibi dhal’.

(e) Waxa batay shaqo-laantii oo mar walba iyadu joogto ah, maxaa yeelay sanad walba waxaa qalin-jabiya kumanaan arday ah. Inkastoo aynu ka koreyno meelaha qaar, hadana heerka xawliga ee aan ku socono waa mid gaabinaya, sida

(f) Tayadii wax-barashadu aad ayey u liidataa…;

(g) adeega caafimaadka dalku isku halayn malaha waana mid tayadiisu hooseyso, tirada dhakhaatiirta tayada leh oo yar awgeed …..;

(h) awooda aan u leenahay inaan u talawno dadkeena ku dhaqan kililnka 5aad ee Itoobiya waa mid aad u hooseysa, inaad fiiso ka qaadato safaarada Itoobiya ee Hargeysana waa rafaad, silic iyo sharaf dil, hadiiba aad ka hesho…..;

(i) Isticmaalkii qaadku uu sii batay, xuduud iyo basarna midna malaha……;

(j) Dadka dawarsada (Oramada) mar walba wadan ka waxay ku soo galaan kuna joogaan sharci daro, amnigana halis ayey ku yihiin……;

(k) nolol xumada wadanka taalaa waxay kaliftay in tahriibkii uu sii bato, ilaa ay tahriibaan dadkii aqoonta lahaa ee ilaa heer master ka gaadhay. >>>>>

Bal hadaba, sadexda musarax madax-weyne, keebaa ugu dhaw oo arimahaa wax ka qaban kara?

Keebaase arrinka uga sii dari kara? Hadaba isku eeg xaalada maanta dalku marayo iyo sadexda mushar m.weyne. Midkee ku haboon oo ugu dhaw inuu wax ka qabto dhibaatooyinkaas iyo kuwo badan oo aan wakhtigu ii saamixin inaan halkan ku soo bandhigo?
Ka taxadar, shakhsiyada qofka m.weyne dalka inuu ka noqdo doonaya waa mid muhiin u ah qaranka, maxaa yeelay saameyn weyn ayuu ku yeelanayaa nolosha oo dhan, xataa koobka shaaha ee aad cabayso. Bal xasuuso m.weyne Donal Trump shakhsiyadiisu sida ay u badashay una gilgilayso wadankii ugu awooda badnaa dunida.

Bal is garab dhig Trump iyo Obama!

Sidaa oo kale ayuu musharax kastaa oo m.weyne wadanka ka noqdaa dabeecaddiisu waddankiisa dib u dhigtaa, ama u horumarisaa.
Is barbar-dhig shakhsiyadaha musharaxa m.weyne ee qarankan! Anigu midna jid lama marin, jaarna lama noqon, jidiina lama cunin, laakiin waxa jira qof walba oo caan ah waxa uu leeyahay ‘Sawir-bulsheed’ Sb (public image PE) oo bulshadu fikir ayey ka haysataa shaqsiyadiisa.

SB (PE) ka qofka caanka ah ama madaxda ah waxa ina soo gaadhsiiya warbaahinta laba siyood ba.

(1) falanqayn ay ku sameyaan shaqsiga caanka ah, taasi oo noqon kartaa been iyo runba.

(2) waxa kale oo ay inagu soo gaadhaa bandhiga muqaalo iyo codad uu leeyahay oo aad ka turjuman karto shakhsiyadiisa.
Anigase intaa waxa ii dheer, sadexda musharax mid walba waan la kulmay si guud,waxanse si toos ah ula kulmay midkood oo aan xidhiidh yar oo kooban na la yeeshay taasoo aan ka qaatay fikir qald sawir xun. 2015, xafladdii qalin jabinteydii 3aad ayuu ka soo qayb galay. Waxay ahayd xili sawiro ay isla galayeen ardayda qalin jabinaysa iyo dabcad dadka ay jecel yihiin iyo dadka madaxda ah. Ilaa qiyaastii 3 qof ama kooxood intii indhahaygu arkayeen markuu sawiro la galay ayuu qof kii ku xigay oo rabay inuu sawir la galo oo gacanta haysta isaga, iska gundhiyey gacantii, ka dibna wuu iskaga dhaqaaqay meeshii, cid dambana lamuu galin sawir.

Anigu waxan rabay markaa inaan sawir la galo oo aan ku xigo qofka iiga dhawaa ee sugayey isga.

Ficil kaa yar ee ka soo fulay waxa ii xaqiijiyey in fikirkii aan ka aaminsanaa shaqsiyadiisu wuu run yahay.

Waxaan u arkay in ninkaas oo kale, ee u samri waayey in arday faraxsan oo jecel inay sawir la galaan, uu yahay nin shakhsi ahaan liita oo aan u qalmin hogaaminta qaranka.
Guntii iyo gunaanadkii, maalinta doorashada, qof walbaw go’aanka mustaqbalka dalku waxa uu ku jira gacantaada, ee ka fiirso cida aad ugu ridayso codkaaga.

Sadexda musharax madaxweyne go’aami oo keebaa CV giisu nadiif yahay oo ka madhan ficilada xun ee aan gomaamiye wanaagsan ku sifoobin, sida adadayg iyo qalafsnaan, qas-wadenimo, xoojinta isticmaalka qabyaalada, uu muuqasho hogaan xumo, heerka aqoontiisa oo hooseysa, iwm ee aad maskaxda ku hayso ee lagu cabiro qof aan hogaan qaran u qalmin.

W/Q: Nasir Xassan Timoweyne
Nation003@gmail.com

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS