War Deg Deg Qaar Ka Mida Odayaasha Degaanka Salaxley Oo Sheegay Inaanay La Kulmin Xisbiga Waddani Ee Dadku Ahaayeen Kuwii La Socday
September 11, 2017 - Written by masalaha

Gaaroodinews.Maanta ayaa waxaa Degmada Salaxley booqday Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo ay weheliyaan madax kale oo xusbigaasi ah iyo qaar ka mida hogaan dhaqameedka ka soo jeeda degaankaasi, xafladaasi oo ahay mid ay ka muuqatay soo dhawayn wacan iyo dad aad u fara badan oo uu dhex socday Gudoomiyaha xisbigu.

 

Waxaa wakhti aan sii fogayn la soo xidhiidhay shabakada caalamiga ah ee Gaaroodinews dad kamida dadka dhab ahaan u dagan magaaladaa salaxley iyo hareeraheeda dadkaasi oo nooga waramay inaanay wax arina ku lahayn soo dhawaynta xusbigaasi, waxa kaloo ay warbaahinta u sheegeen in dadka magaalada soo buux dhaafiyay aanay haba yaraatee ahayn dadkii magaaladan daganaa taasi oo uu sheegay kuna xaqiijiyay oo hadaladiisi ka mid ahaa (Anagu dad magaalada mud aad u dheer daganaa ayaanu ahayn dadka ku noolina waxa isugu jiraan qaar magaalada dhex degan iyo qaar hareeraheeda dagan kolkaa waxaad ku garan kartaa dadkani inay ahaayeen dada an degaanka daganay dharka ay sitaa iyo basaskan badan ee magaalada soo buux dhaafiyay ee reermagaalku la socdo markay intaasi dhacday dadkii intuu gawaadhida ka soo daadagay ayuun bay iyagii isu qudbadeeyeen waxa kaluu goobjoogahaasi u sheegay shabakada Gaaroodnews fartana ku fiiqay bal kaalaya oo imika video ka duuba imikaad arki lahaydeen runtu waxay tahay)

Hadaba waxaa caado u noqotay xusbiyada ka tartama Somaliland inta iyaguuni gawaadhi iska soo buuxiyaan isuna qudbadeeyaan sacabkana isu tumaan iyadoo mar ahaantaasi waxba la waydiin dadka degaanka ka soo jeeda sida maanta tan ka dhacday degmada Salaxley.

Isku Soo wada duuboo caadooyinkan ay imika xusbiyadu caadaysteen inay dadka ka daabulaan magaalooyinka waayen kolba geeyaan degmooyinka wadanka.

 

Gaaroodinews.net

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS