Musharax Ciro Oo Mar Labaad Balaan Qaad Culus U Sameeyey Ciidamada Qaranka , Si Adagna Uga Hadley Xaalada Berbera +Muuqaal
September 13, 2017 - Written by Tifaaftiraha

Hargeysa (Gaaroodinews):- Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddan Cabdiraxmaan

Ciro oo maanta khudbad ka jeediyey munaasibad soo dhaweyn ah oo xisbiga Waddani u sameey Beel ka mid ah beesha Ciise Muuse oo maanta ku soo biirtey ayaa wax uu mar labaad balan qaad culus u sameeyey ciidamada qaranka Somaliland

Musharax Ciro ayaa sheegay in ciidamada Qaranka uu u sameyn doono xafiiska xaq siinta ciidamada qaranka marka ay ciidamadu hawl gab noqdaan ama hawlo kale la soo darsaan

Image may contain: 1 person, smiling

 

” Aniga oo hore balaan qaad culus ugu sameeyey ciidamada qaranka maanta na waxaan balan kale ugu qaadayaa ciidamada in aan u sameyn doono xafiiska xaq siinta ciidamada qaranka marka ay dhintaan , marka ay hawl gab noqdaan iyo marka ay hawl kale la soo daristo ” ayuu yidhi Musharax Ciro

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaaan Ciro ayaa waxaa uu si adag uga Hadley xaalada ay ku sugan tahay magaalada Berbera

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

Gaaroodinews/Hargeysa Office

 

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS