Wasiir Sacad Cali Shire oo Ka Hadlay Carqaladaha Ka Taagan Dekadda Berbera
September 23, 2017 - Written by horseed horseed

Hargeisa(GRN) Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay cabashada ka taagan dekedda Berbera ee lagu wareejiyay shirkadda DP world, waxaanu sheegay in cabashooyinka qaarkood la xaliyay, qaarna lagu gudo jiro. Sidoo kale wuxuu wasiirku ka hadlay halka uu marayo saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta laga siiyay dekedda Berbera.

Wasiirku, wuxuu arrimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, isagoo sidoo kale ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya iyo sida ay Itoobiya u danaynayso isticmaalka dekedda Berbera, waxaanu waraysigu u dhacay sidan:
Warbixin uu Wargeyska Geeska Afrika uu daabacay oo laga soo xigtay wakaalad caalami ah ayaa sheegaysa inay Dawladda Itoobiya doonayso inay xoojiso isticmaalkeeda dekedda Berbera iyo weliba dekedda Port Sudan, halkii ay hore ugu xidhnay dekedda Djibouti oo keliya. Maxaad kala socotaa, maxaad se ka og tahay?
 Wadanka Itoobiya waa Wadan weyn, waa wadan ka weyn in Dekad kaliyi ku filnaato, dabcana Dekaddo badan bay doonayaan inay wax ka soo dejistaan, waxna ka dhoofsadaan, oo Dekadda Berbera ayaa ka mid ah, Dekadda Sudan ayaa ka mid ah, oo Dekadda Laamu oo Kenya ahi ka mid tahay, Itoobiya waa wadan dadkiisa iyo dhaqaalihiisuba aad u badan yahay, markaas waxaan aad u rajaynayaa inuu sii xoogaysan doono ilaaqaadka dhaqaale ee inaga dhexeeya iyo waliba badeecadaha u maraya Dekadda Berbera.
Tan iyo markii DP World lagu wareejiyey Dekadda Berbera, cabashooyin badan oo Ganacsatada ah iyo muran baa ka jiray, maxa khaldan, halkay se wax idin marayaan, madaama aad hawshan ku jirtay?
Arintu wakhtigan xaadirka ah si wanaagsan bay u socotaa, weyna jireen marar dhibaatooyin ay jireen, waxna waa la xaliyey, waxa hadhayna sida ugu dhakhsaha badan baa insha allaah loo xalin doonaa, Dekadduna si fiican bay imika u socotaa, carqaladahan oo kale wey iska dhacaan, marka wax la bilaabo wakhti bay qaadataa inta waxaas la baranaayo, waxaan rajaynayaa in aanu ka soo baxno mudada is barashada, oo aanu u gudubno sidii ay u shaqeeyn lahayd Dekaddu, sidii looga bartay iyo si ka wanaagsanba.
Arintii Saldhiga Milatari ee Imaraadku halkay maraysa?
Imaraadka waxaynu ku heshiinay inaynu yeelano iskaashi dhinaca nabada ah, hawshaasina waa hawl socota, mana aha hawsha Saldhigu hawl aanu cid ugu danaynayno, ee waa haw aanu ugu danaynayo nabada Gobolka iyo Deegaanka.
Prof: Bulxan Shir ayuu dhawaan dalka Turkiga kaga qayb galay ay ku kulmeen aqoonyahano ka socda Somaliland iyo Somaliya, waxase ka hadhay laba xubnood oo reer Somaliland ah oo aqoonyahano ah oo shirka ku wehelin lahaa, kuwaas oo la sheegayo inay u baaqdeen duruufo dhaqaale oo ay xukuumadda iyo wasaaradda khaarajigu ka dabooli waayeen. Arrimahaas maxaa ka jira?
Dawlad baynu nahay, oo Dal baynu nahay, oo nidaam baynu leenahay, runtiina wax dhici kara maaha in inagoo Dal ah, in haddana la yidhaah aqoonyahano ayaa Shir uga baaqday Dhaqaale daro, ee waxa laga yaaba inay jiraan arimo kale oo ay uga baaqdeen, balse inta aan anigu ka og ahay ama aan kala socdo ma jiro wax dhaqaale la’aan ah oo ay labadaas aqoonyahan shirkaas uga baaqdeen.
Dawladda Somaliya waxay sheegtay in maamulka Hawada ee Somaliland iyo Somaliya in lagu wareejin doono,ee maxaa ka jira?
Ilaa hadda sida aan ka war hayno maamulkii Hawada ee Dalkii la isku odhan jiray Somaliya, waxa wali gacanta ku haya Hay’adda ICAO,oo Qaramada Midoobay u wakisheen, shirar badan weynu ka galnay, markii ugu dambeeysayna waxa la isla gartay in la wada maamulo, sidii nidaamku ahaana Qaramada Midoobay ku wareejin mayso Dawlad aan Dalkeediiba wada maamulin, Dawladda Muqdishana Somaliland ma maamusho, inaguna hawadeena ma ogolin inay maamusho cid aan inaga ahayn, wadan baynu nahay, xor baynu nahay, hawadeena inaga iska leh, baddeena inaga ayaa iska leh, dhulkeena inaga ayaa iska leh.
Doorashadii muddo aad u kooban ayaa inooga hadhay, markaas maxaad Xisbiyada iyo Bulshadaba ugu baaqaysaa?
Bulshada reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa nabada iyo midnimada inay ilaaliyaan, Axsaabtana waxaan ugu baaqayaa inay ilaaliyaan sharciga iyo nidaamka u degsan Doorashada, waxaana aad iyo aad ugu kalsoonahay inay inoo dhici doonto Doorasho xor iyo xalaal ah, sidii kuwii horeba, waxaana ILLAAHAY ka baryayaa inay inoo noqoto Doorashadii ugu dambaysay ee aynu galno iyadoo aan la ina ictiraafsanayn, haddii Doorashadana si wanaagsan oo xor iyo xalaal ah inoogu dhacdo wax badan bay ka bedelaysaa mawqifka Somaliland ee dhinaca Caalamka.
Marar badan oo muddo kordhin la sameeyey, oo Doorashadu dib u dhacday Beesha Caalamku dhaliilo ayey u soo jeediyeen Somaliland, markaas imika maxaad Beesha Caalamka ka rajaynaysaan?
Beesha Caalamka waxaan ugu baaqayaa inay gacan ka geystaan sidii ay inoogu dhici lahayd Doorasho xor iyo xalaal ahi, waxaana jecel nahay inay inoo yimadaan Caalamka goob joogayaal, oo ay ku qancaan wixii ay dadkeenu go’aansadaan, oo aanay ku qancin Madaxweynaha ka soo baxa Doorashada, ee ay ku qancaan qadiyada Somaliland iyo Ictiraafka ay dadkeenu doonayaan.
Madaama Doorashadii wakhti aad u koobani ka hadhay, Beesha Caalamku ma bixiyeen kharashkii ay ku bixin jireen Doorashada, mise Xukuumadda ayaa wada bixisay?
Doorashada dhawrkii jeer ee dib loo dhigay, kharashaad dheeraad ah ayey la timid, wixii kharash ah ee dheeraad ah ee ay la timid oo dhan inaga ayaa xambaaranay, markaas imika runtii Dawladdu aad iyo aad bay ugu dadaashay sidii ay Doorashadu inoogu dhici lahayd, iyo sidii loo dhamaystiri lahaa wax alaale wixii ay Doorashadu u baahan tahay iyo wax alaale wixii ay soo codsadeen Guddida Doorashooyinku, aad baan loogu dadaalay,
Muddooyinkii ugu dambeeyey xidhiidh ayaad la
sameeynayseen Wadamada Carabta, maxa sababay xidhiidhkan, ta kale maxa ku dhacay xidhiidhkii aad la lahaydeen Wadamada kale ee Caalamka?
Xidhiidhka inaga dhexeeya Wadamada Carabtu meel aad iyo aad u wanaagsan buu marayaa, oo waxaanu imika Xafiisyo ku leenahay Wadanka Yemen, Wadanka Imaraadka, hadda Sucuudiga ayaanu Xafiis ka soo furanay, dhawaan waxa la magacaabay Safiirka Cumaan iyo Kuwat, mar hore weynagii tagnay Masar.
Ta kale Wadamada Carabta oo qudha maaha, wadan kasta oo aanu u aragno inuu Somaliland dan u yahay xidhiidh baanu la sameeynayna, iskaashina waanu yeelayna, Wadamo badan oo Caalamka ahna xidhiidh fiican baa inaga dhexeeya.
Mar haddii dad ka soo jeeda Somaliland lagu laayey Magaalada Hawaday, Dawladda Itoobiya, wax xidhiidh ah arintan ma kala sameeyseen?
Haa Dawladda Itoobiya waanu kala xidhiidhnay, waanu weydiinay, waxayna na siisay kalsooni ah in xidhiidhkeena saaxibtinimo ee qotoda dheer in aanay waxba yeeli karin, dhibta dhacday waa in sideeda loo waajaha oo loo saxa.

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS