Xaaladda Cakiran Oo Buuhoodle Ka Taagan,Gaadhigii Cali Khaliif Oo Wali Maqan Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Ku Dhex Sugan Buuhoodle
September 24, 2017 - Written by horseed horseed

Hargeisa(GRN)  Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in magaalada Buuhoodle ay ka taagan tahay xaalad cakiran oo ka dhalatay dableydii laba habeen ka hor soo weerartay horjoogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh isla markaan dhaaccya gaadhigiisii oo ilaa hadda la maqaan lana garan la yahay meel ay geeyeen.

Waxaana horjooge Cali Khaliif Galaydh la sheegay inuu amray ciidankiisa inay soo qabtaan ragaasi dableyda ah,iyaga oo dhanka kale dableydaasi dhan 7 nin la sheegay inay hadana jidgoooyo galeen,waxaana laga cabsi qabaa in dirir dhex marto dableyda la baxsaday gaadhiga iyo ciidanka horjoogaha kooxda Khaatumo.

Xogaha aan saaka helayno ayaa waxay sheegayaan in Cali Khaliif Galaydh uu xalay xilli danbe ka baxay magaalada Buuhoodle una baxay deegaanka Widh-widh,halkaas oo mudooyinkii u danbeeyey xarun u ahayd.

Dhinaca kale waxa la sheegay in magaalada Buuhoodle ay ku dhex sugan yihiin xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolada Sool iyo Cayn,waxaana ay wadaan qorshe ay damacsan yihiin inay carqaladeeyaan wada hadalada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo iyo shir la sheegay inuu ka dhaco magaalada Burco,waxaana ay kulamo la yeesheen cuqaasha iyo waxgaradka magaalada Buuhoodle.

Ilaa hadda lama garanayo halka ay wax saldhigan doonaan iyo xaaladda ay ku danbayn doonto magaalada Buuhoodle oo xaalad adag ka taagan tahay.

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS