Mid Ka Mid Ah Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya Oo Garoonka Diyaaradaha Hargeysa Ka Dhoofay Iyo Mooganaanta Xukuumadda Somaliland
September 25, 2017 - Written by horseed horseed

Hargeisa(GRN) Mid ka mid ah madaxwaynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa maalintii shalay.

Madaxwaynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa ka yimi dalka isu tagga imaaraadka carabta waxaana uu ku soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu uga sii gudbay magaalada cadaado ee magaalo madaxda maamulkiisa.

Axmed Ducaale Xaaf oo arrinkaas ka hadlay ayaa sheegay in dawladda federaalka ahi u diiday inuu ka soo dego garoonka Muqdisho, kadibna uu u soo wareegay kan Hargeysa, waxaana uu sababta ku sheegay in dawladda dhexe ay ka cadhaysan tahay sababta uu Xaaf taageerada ugu muujiyey dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka, isla markaana uu u taageeray cunaqabataynta Qadar.

Madaxwaynaha maamul goboleedka Galmudug oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi:

‘’Saaka (Shalay) 6:00 Aroornimo ayaan imid magaalada Hargeysa shan saacadood oo xidhiidh ah ayaa leygu xayiray garoonka diyaaradaha Hargeysa oo dowladda federaalka iga celisay diyaaradii aan soo kireystay oo wax kasta lagu gorgoriyay’’ ayuu yidhi madaxweynaha maamul goboleedka Somalia ee Galmudug.

Khilaafka dalalka Carabta ayaa saamayn ku yeeshay Soomaaliya waxaana uu keenay in maamul hoosaadyadii ay taageeraan Sucuudiga iyo xulafadiisa halka ay dawladda federaalka ahina mawqif dhex-dhexaadnimo ah iska taagtay, waxaana dhinaca kale muuqata inay xukuumadda Somaliland qayb ka noqotay khilaafka Somalia, maadaama ay madaxwayne ka tirsan maamulada soomaliya u ogolaatay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS