Walaac Soo Food Saaray Guddiga Doorashooyinka, Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI Oo Culayska Ku Sii Kordhiyey iyo Komishanka Oo Ururada Bulshada U Soo Iilladay
September 25, 2017 - Written by horseed horseed

Hargeisa(GRN) Guddoomiga doorashooyinka Somaliland oo ka kooban todobo xubnood ayaa waxa soo food saaray walaac ay ka qabaan hanaanka ay doorashadu u qabsomi doonto, arrimo la xidhiidha nabad-gelyada iyo sidii loo qaban lahaa doorasho hufan.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw komishanka doorashooyinka ayaa laga soo xigtay in xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay culays gaar ah ku hayaan guddiga doorashooyinka qaranka, walaaca komishanka ayaa salka ku haya  habdhaqanka xisbiyada gaar ahaana ka hor xilliga kaambaynka iyo waliba marka codka la dhiibto.

Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ayaa hadaba bilaabay ololahooda taasoo guddiga doorashooyinku ay  dhawr jeer sharci darro ku tilmaameen, hase yeeshee xisbiyada ayaan dheg jalaq u siin, waxaanay taasi keentay in guddiga doorashooyinku ay u wer-weraan nabad-gelyada iyo kala dambaynta maadaama uu habdhaqanka xisbiyadu culays gaar ah saarayo guddiga doorashooyinka.

Shalay guddiga doorashooyinka ayaa kulan la qaatay ganacstada Somaliland waxaanay kala hadleen sidii ay uga caawin lahaayeen in doorashadu si nabad-gelyo ah u qabsoonto, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo muhiimadda kulankaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“qolo kasta oo halkan inna lexjeclo ka qabtay inaanu aragno oo lexjecladana tusno, isla markaana ka wada tashano la iskana war hayo oo haddii ay ganacsi tahay iyo haddii ay culimo tahay iyo haddii dadkii caadiga ahaa tahayba aynu ka war hayno geeddi socodkaas ay inooga hadhay halkaas bil iyo dhawr iyo tobankaas cisho”.

Geesta kale waxaa soo baxaya walaaca ay komishanku ka qabaan in xisbiyadu gaar ahaan WADDANI iyo KULMIYE ay aqbalaan natiijada doorashada, maadaama ay si gaar ah isugu muuqdaan sidoo kale awoodda uu xisbiga KULMIYE isticmaalayo ayaa qayb ka ah walaaca komishanka doorashooyinka.

Marka la isku soo wada duubo Komishanka ayaa hadda irkanaya  qaybaha kala duwan ee bulshada sida ganacstada, culimada iyo ururada kale inay ka caawiyaan sidii nabad-gelyada loo ilaalin lahaa, waxaana uu kulankan ganacstadu bilaw u ahaa kulamo is daba joog ah oo ay komishanku la yeelan doonaan bulshada kale.

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS