Diblomaasiyiinta Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho oo dhiig ku deeqay (Sawirro)
October 17, 2017 - Written by Samaxareed samaxareed

Muqdisho:(Gaaroodi-Net)Diblomaasiyiinta Safaaraadda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa Dhiig ugu deeqay si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii  lagu beegsaday dadka rayidka ahaa ee aan waxba galabsan ee ku sugnaa Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Isbitaalka Sheekh Zaayid ee Dowladda Imaaraadku ka hirgelisay Magaalada Muqdisho ayaa gacan ka geystay daaweynta Dadkii ku dhawacmay Qaraxii Zoobe.

Isbitaalka Sheekh Zaayid ayaa Sidoo kale gaadhsiiyay deeq daawo ah qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ee la tacaalaya daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxa.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ballan qaday in ay gacan-weyn ka geysaneyso daaweeynta Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii weynaa ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS