Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Filayo Inuu Iska Casilo Xisbiga KULMIYE Iyo Xisbiga Uu Ku Biirayo
October 17, 2017 - Written by horseed horseed

Hargeisa(GRN) Warar xog ogaal ah oo warbaahintu  heshay ayaa waxay sheegayaan in maalmahan soo socda la filayo in gudoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha wakiilada Somaliland Dr Cali Yuusuf Axmed iska casilo xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE oo uu kamid ahaa asaasayaashiisii,isla markaana muddo dheer ka tirsanaa xisbiga KULMIYE.

Dr Cali Yuusuf Axmed gudoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa naloo sheegay in marka uu iska casilo xisbiga KULMIYE inuu si rasmi ah ugu biirayo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Wakhtiga rasmiga ah ee uu is casilayaa nalooma xaqiijin balse xogaha ayaa waxay sheegayaan in maalmahan soo socda uu ku dhawaaqo inuu iska casilay xisbigii KULMIYE oo uu muddo dheer kamid ahaa tiirarkiisa

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS