Jamaal Cali Xussen , Prof Samater Iyo Aqoon Yahan Maxamed Cali Bile Oo Ka Muquurtey Xafladii Caleemo Saarka Ee Madaxweyne Muuse Biix
December 14, 2017 - Written by Admin

Hargeisa(GRN) Waxaa maalintii shalay aheyd madaxweynaha Shanaad ee Somaliland loo  caleemo saaray isla markaana loo dhaariyey musharaxii madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay dhawaan kominshanku ku dhawaaqeen .

Xaflada caleemo saarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafuud kala duwan oo ka kala socotey wadama jaarka , beesha caalamka , siyaasiga haldoorka ah ee Somaliland , madax dhaqameedka iyo dadkii xisbiga Kulmiye ee guushiisa ka shaqeynaayey

Hadaba waxaan xaflad gabi ahaanteedba aan ka soo xaadirin Prof Axmed Ismaciil Samater , Aqoon yahan Jamaal Cali Xussen iyo Aqoon yahan Maxamed Cali Bile kuwaas oo ahaa ragi ay isku dhaw dhawayeen Musharax Muuse Biixi wakhtigii olalaha isla markaana dadaalka weyn galiyey sidi uu musharaxiisa uu guuleysan lahaa .

Ilaa hada lama garanaayo sabata kaliftey in ay siyaasiyiintan aad gu dhawaa Madaxweyne Muuse Biixi ay ka soo qeyb gali wayaan xafladiisa caleemo saarka , balse waxaaa ilo xog ogaal ahi sheegen in masuulyiintani iyo madaxweyne Muuse uu khilaaf ka dhex qarxay ka dib markii ay iska dhex arki waayeen golaha wasiirada ama ay ku qanci wayeen xilalka loo sheegay in loo magacaabay

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS