Qurbo Joogta Reer London Oo Si Balaadhan U Soo Dhaweysay Musharaxnimada Siciid Cabdi-samad (Siciid Cudhay)
October 22, 2018 - Written by Warqabad

London(Gaaroodi-News) Dadweynaha Ku nool magaalada London ayaa si balaadhan u soo dhaweysay musharax sicid cabdisamad waxaan Soo Dhaweynta Musharax siciid cabdisamad (siciid cudhay)  waxaa ka soo qayb galay Ex Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta cabdilaahi maxamed daahir cukus ,salaadiinta ,cuqaasha, wax garadka iyo aqoonyahanka

sidoo kale waxay si rasmi  ah u soo dhaweeyay inuu Siciid Cabdisamad  (Siciid Cudhey)  ka mid noqdo misharixiinta u tartamaya golaha deegaanka caasimada Hargaisa.

dadweynaha ku dhaqan Magaalada London waxay isku raaceen inuu yahay musharaxani dadka fara ku tiriska ah ee la filayo inuu magaaladiisa ku soo kordhin doono wax qabad la taaban doono.

Dadka aqoonta gaarka ah u leh mudane Cudhey ayaa ku tilmaama inuu leeyahay haybad ilaahay siiyay oo ah in aanay dadku u kala soocnayn una damqada dadka danyarta ah,isla  mar ahaantaasina inta badan lagu arko isagoo ku dhex jira bulshada jilicsan ama dadka duruufaha ah adag isagoo baahiyahooda u gudbinaya aduun weynaha.

 

Halkan hoose ka Daawo Sawirada Soo Dhaweynta Musharaxnimada Siciid Cudhay:-

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS