Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax . Siciid Cabdi Samad (Siciid Cudhay) Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa
November 20, 2018 - Written by Warqabad

Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax . Siciid Cabdi Samad (Siciid Cudhay) Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Siciid Cabdi Samad (Siciid Cudhay) oo ah Musharax u taagan  isla markaasina u tartamaaya Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaanta lagu wado inay dalka ka qabsoonto, gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa .

Siciid Cabdi Samad (Siciid Cudhay) oo kamida Aqoonyahanka Waayo-araga ah ee kasoojeeda Caasimada Hargeysa, Ee  Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho isla markaana kamida hantida gaarka ah ee Caasimada Hargeysa.

Musharax Siciid Cabdi Samad (Siciid Cudhay) oo ku caana  karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayga daacadnimo ku dheehantay ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ,

Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Musharax Siciid Cabdi Samad (Siciid Cudhay) Baahi Weyn bay bulshada reer somaliland u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

Gaaroodinews.com-- Contact Us:--gaaroodinewsnet@gmail.com
COMMENTS
LATEST NEWS