GAAROODI NEWS NETWORK

BOOLISKA MAREYKANKA OO WAREEJIYEY MEYDKA WIIL SOMALI AH OO DAD KU DHAAWACAY DALKAASI

GRDI

Booliska Mareykanka oo tan iyo Sabtidii gacanta ku haayay meydka Wiil Dhalinyaro Somali ah oo Sabtidii la soo dhaafay tooreey ku dhaawacay 11 ruux, ayaa ku wareejiyay ehelada Marxuumka Meydka.

Sida uu sheegay Cabdi Waxiid Sh.Osmaan Qalinle oo ah Qareenka u doodaya Qoyska Wiilka laga dilay, Booliska waxa ay wareejiyeen meydka Marxuumka, iyaga oo aanan bixin macluumaad kale.

Waxa ay sheegeen Booliska inuu socdo Baaritaanka ku aadan in Daahir Axmed Aadan uu xiriir la lahaa Kooxaha Argagixisada.

Qareenka Qoyska oo diiday inuu bixiyo macluumaad badan oo ku aadan baaritaanada socda ayaa sheegay reerka dhalay Daahir inay soo gaartay arin murugo leh, maadaama Booliska ay toogteen Wiilkooda.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa si weyn u hadal haysa dhacdada Wiilkaasi Somaliga ah uu ku tooreeyay dadka u dhashay dalka Mareykanka ee ku sugnaa Magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota.

Jaaliyada Somaliyed ee gobolka Minnesota oo ka hadlay dhacdadaasi, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin ficilka uu ku kacay Marxuumka la dilay iyo toogashada Booliska ay u geysteen.

Marxuum Daahir Axmed Aadan ayaa waxaa toogtay Askari ka tirsan ciidamada Booliska, kadib markii dad gaaraya 11 ruux uu toorey ku dhaawacay.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply