GAAROODI NEWS NETWORK

BOOLISKA TOGDHEER OO GACANTA KU SOO DHIGAY DABLEY DIL KA GEYSTAY HAWDKA BURCO

Badhasaabka gobolka Togdheer, Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa caddeeyay in la soo qabtay  afar nin oo  habeen hore dil ka geystay   meesha la yidhaahdo Gondor-ka  oo qiyaastii  8KM  oo  dhinaca koonfureed  ah kaga beegan magaaladda Burco.Nimankaasi  oo kadib markii ay dilka gaysteen   u baxsaday   degaanka buuralayda ah  ee Sil-siladda Gollis, halkaasi  oo ay ku dhuumanayeen ayaa  xalay ciidamada boolisku gacanta ku soo dhigeen, iyadoo la soo gaadhsiiyay magaaladda Burco.

Sida uu sheegay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, oo   xalay telefoonka aan kula xidhiidhnay isagoo joogay Burco.  Waxaanu badhasaabku ka war bixiyay  sida uu dilkaasi u dhacay iyo dhaco kale oo ka dambaysay oo nin ka soo jeedda beesha nimanka wax dilay oo ay isna af-duubteen  Ragg ka soo jeedda beesha ninka laga dilay.

 

badhasaab Qabo waxa uu sheegay  in  kadib markii  waan-waan laga galay arrintaasi   ay ku  guulaysteen in ay   soo daayeen ninkii af-duubka loo haystay,  laguna wareejiyay odayaasha beeshiisa isagoo nabad qaba. Badhasaabka ayaa intaasi ku daray in sidoo kale  xalay magaaladda Burco la soo gaadhsiiyay  afartii nin ee dilka gaystay oo ay ciidamadda boolisku gacanta ku soo dhigeen.

“Waxaa jiray dil habeenkii Sabtidu  soo gelaysay ka dhacay meel Burco  koonfurta ka xigta  oo 8KM   u jirta, oo Gondorka la yidhaahdo.   Afartii  nin ee dilka gaystay gacanta ayaa lagu soo dhigay, caawa ayaa la soo qabtay oo Burco la keenay,  buuralayda sil-silada Gollis ayay  galeen meel  meesha la yidhaahdo Geba-gebo. Qoladii ninka dishay ee baxsaday-na maanta ayay isku soo dhiibeen odayaashooda iyo ciidanka booliska, Burco ayaanay ku xidhan yihiin,”ayuu yidhi Badhasaabku, waxaanu intaas ku daray “Ninkan la  af-duubtayna   wuxuu ahaa qolodii ninka laga dilay ayaa iyaguna nin af-duubay, markaa anaga ayaa ku baxnay waananu soo qabanay, saaka (shalay subax)  odayaashii beeshiisa ayaanu ku wareejinay. Qoladan af-duubka gaystay waxay ninka u af-duubteen markii nimankii dilka gaystay la waayay ee ay baxsadeen. Taliyaha qaybta ayaa laba habeen meesha joogay, markaa imika ayaa lagu soo guulaystay.”

Badhasaabka oo  faahfaahin ka bixinayay sababta keentay dilka ninkaasi, waxa uu yidhi”Dilkani waxa uu ka dhashay niman waddo sii lugaynayay, Dhaameel ayay u sideen xoolahadii ay ka gureen geedka Garan-waaga, ayaa  nimankan kale oo  baabuur Surf ah  watay  ay ka daba tegeen, waxay ku yidhaahdeen Tuug ayaad tihiin oo wax baad sidataan aad soo xadeen iyo ma sidano, kadib-na halkaas ayuu is-af-dhaafku ka yimid. Qoladda baabuurka Surf-ta ah wadatay ayaa qoryo sidatay, kadib-na  Rasaas  ayay ku fureen sidaas ayaanu ninku ku dhintay.”

Dhinaca kale,  guddoomiyaha gobolka Togdheer, waxa  uu beeniyay in dhacdadaasi ay wax xidhiidh ah la leedahay shaqaaqo hore u dhex martay laba beelood  oo ka dhacday  degaanka Baliga Diiriye Guuleed oo dhinaca woqooyiga ka xigga Burco.Isagoo arrintaasi ka jawaabayay-na waxa  uu yidhi  “Maya, wax xidhiidh ah lama laha arrintii baliga Diiriye Guuleed, labadda  beelood ayuun baa ah beelihii hore muranku ugu dhexmaray baliga Diiriye, laakiin ma aha arrin la xidhiidha taasi.  Waana  arrin ka duwan oo ku dhacday si  lama filaan  ah, loomana Sibir-saari karro arrintii baliga Diiriye Guuleed.Meesha ay wax ka dhaceena ma aha  dhinaca   baliga Diiriye.   Wuxuu   falku ka dhacday hawdka  ama koonfurta Burco, baliga Diiriye-na  woqooyiga ayuu ka xigaa Burco.” Ugu dambayn badhasaabka Togdheer waxa uu sheegay in  ay rejaynayaan in arrintaasi ay sidaas ku dhamaato, isla markaana   dhibaato kale aanay   dhici doonin.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply