GAAROODI NEWS NETWORK

DOODII UGU HOREYSAY LABADA MUSHARAX EE FOOL KA FOOLKA AHAYD OO CAAWA LA SUGAYO

Gaaroodinews.net

Wariyaha hagi doona dooda koowaad ee foolka foolka u dhax mari doonta Isniinta soo socota musharaxiinta doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka ee Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa soo saaray saddexda mowduuc ee ay doodda xooga saari doonto.

Dooda musharaxiinta oo uu su’aalaha qeybin doono wariye Lester Holt oo ah wariyaha daadiyaha barnaamijka Nightly News ee ka baxa TV-ga NBC ee dalkan Mareykanka, ayaa lagu falanqen doonaa Jihada ay u socoto Mareykanka, ka guulgaarida Barwaaqada, iyo Amniga Mareykanka.

Mowduuc kasta waxa loo qoondeeyey 15 daqiiqo, waxaana qeyb kasta su’aal ku furi doono wariye Lester Holt, murashax kastaana waxa uu su’aal kastaa uga jawaabi karaa
laba daqiiqo

Dooda ayaa waxaa lagu qaban doonaa hoolka jaamacada Hofstra University ee magaalada labada musharaxba ay kasoo jeedaan ee New York.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply