GAAROODI NEWS NETWORK

ERDOGAN OO KA DALBADEY CAALAMKA INAY TALAABO KA QAADAAN HOGAAMIYAHA MUCAARIDKA

GRDI Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in tallaabo degdeg ah ay beesha caalamka ka qaado wadaadka la musaafuriyay Fethullah Gulen.

Erdogan oo ka hadlayay Golaha Guud ee QM ayaa carabka ku adkeeyay in tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” u baahan tahay in laga qaado wadaadka ku salaysan Mareykanka Mr Gulen oo lagu eedeeyay afganbiga fashilmay ee bishii July.

Mr Gulen, oo kasoo cararay Turkiga kuna nool Mareekanka ayaa si xoogan u beeniyay eedeymaha inuu ka danbeeyay ama xataa ku lug laha afgambi military ee dhicisoobay.

Mr Erdogan ayaa yiri  “Waxaan jeclaan lahaa inaan ugu baaqo dhammaan dalalka saaxiibada in ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ee ka dhanka Ururka Argagixisada Fethullah [FETO] ee dalalkooda iyaga oo ilaalinaya mustaqbalka dadka iyo fayo-qabkooda.”

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply