GAAROODI NEWS NETWORK

XASSAN SHEEKH OO KA HADLAY WAREEJINTA DEKEDA BERBERA

Madaxweynaha dalka Somaliya Muddane Xassan Sheekh Maxamuud Ayaa Waxaa Uu Markii Ugu Horeysay  Uu Ka Hadley  heshiiska ay xukuumada Somaliland la soo gashey shirkada DP World ee maamuli doonta dekada Berbera .

xassan-sheekh

Madaxweynaha oo wareysi siinaayey telefishanka Bulsho Tv waxaa uu sheegay in heshiiskaas aanay waxba kala socon isla markaana uu yahay mid sharciga baal marsan

“Anagu waxba kalama socono , mana ogin , jeho rasmi ah oo Somaliland ama dawlada imaarkadku nagula soo xidhiidhey ma jirto Dekada Berbera waa dekada Somaliyeed oo qaranka soomaaliyeed oo dhan baa leh .

Waxii horumar ah oo dadka deegankaasi degan oo dadka waqooyiga Somaliya ay gaadhayaan anagu raali baanu ka nahay , lakiin waxyaabaha somaliya oo dhan ka wada dhaxeeya si ay somaliya wada ogtahay in loo meel mariyo oo heshiis looga gaadho ayaaan rabnaa” ayuu yidhi madaxweyne Xassan  Sheekh

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa uu ka hadley doorashooyinka Somaliland waxaana uu masuulyiinta xukuumada ugu baaqey in ay qabtaan doorashooyin xor iyo xalaal ah  waxaana uu yidhi

“Waan u hanbalyeynayaa in lays doortaana waa mabda dimuqraadi ah waanan ku hanbalyeynayaa in doorashaadaasi Somaliland ka dhacdo , waxii wanaag ah ee aan aniguna ka geysan karno waanu ka geysan doona , dadka reer Somaliland na waxaan ugu baaqayaa in si nabada ah oo degenaasho leh dorashadaasi in ay ku dhacdo ” ayuu ku soo koobay hadalkiisii madaxweyne Xassan Sheekh

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply