GAAROODI NEWS NETWORK

60 iskuul iyo 3 jaamacadood oo cabsi daraadeed loo xidhay dalka Canada

Mar Keliyay Ayay  Ka Dareereen Cabsi Darteed

Maamulayaasha  Amaanka Kanada ayaa sheegay in maalintii Arbacada ee shalay subax la baneeyay 60 dugsi iyo 3 jaamacadood iyagoo ardaydii iyo shaqaalihii ka yaaceen ka dib markii ay soo gaadhay hanjabaad aan la garanayan meel ay ka timi.

Booliiska magaalada Halifax  ayaa sheegay inay baadhitaan ku sameeyeen dekedda Nova Scotia ka dib markii uu soo gaadhay digniin ah inay jirto bam ku qarxi doona halkaasi, iyadoon la garanyan meesha laga soo diray digniitaasi.

Waxana ay intaasi ku dareen in sababta dugsiyaadaasi ay shaqaalihii iyo aradaydii ugu tegeen ay ahayd hanajabaadaasi.   ( Skynews/ Dubia)

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply