GAAROODI NEWS NETWORK

ASTAAMAHA LAGU GARTO NINKA WANAAGSAN EE MUSTAQBAL DOONKA AH.

zawjRun ahaantii waxaa jira kumanaan ragg ah oo waayay wax daryeela oo fahma qiimaha iyo qadarinta ay u hayaan dumarka. Taasina waxaan dhihi karaa waxaa sababay Ragga intooda xun waayo horaa waxa loo yiri

” Dab ruuxii ku gubtaa dambaskiisa ayuu ka baydhaa ( ka cararaa) ”

taasi oo an ula jeedo ragga intooda yar ee dumarka xumeeya ayaa ka qayla batay ragga intiisa wanaagsan waxa ayna saamayn wayn ku yeelatay in ay dumarka qaarkii ay kala garan waayaan Ninkii wanaajinaya iyo Kii xumaynaya maadaama ragga qiyaanada badan ay dhaawacyo badan ugaysteen dumarka .

Sidaa awgeed waxaan jeclaystay in aan dumarka u sheego una sharxo sifooyinka ay ku garan karaan amaba ay ku dooran karaan Ninka ragga ah ee wanaagsan oo dumarka qadariya waayo Raggu way isku wada dhex jiraan waxaadna u baahan tihiin waxaad kukala shaandhaysaan oo aad ku ogaan kartaan Ragga intooda wanaagsan oo dumarka qadariya iyo intooda xun oo dumarka qiyaana .

Hadaba si aad ukala saarataan waxaan idin siinayaa qaacido amaba qaanuun hadii aad raacdaan aad ku ogaan doontaan ninka aad xariirka la samayndoonto inuu yahay Nin Ragg ah oo wanaagsan misana daacad ah .

Waxaan isku dayayaa in aan ku soo koobo astaamaha lagu garto ninka wanaagsan ee mustaqbal doonka ah. waxa ayna kala yihiin sidan

1- Waa Nin ay kamuuqato waxa uu aaminsan yahay oo ah hab dhaqan ruux muslim ah ,
– Aragiisu waa arag muslim oo ma ahan Nin iska yeel yeela amaba isku ekeeysiiya dadka gaalada ah.
– Hadalkiisu waa hadal muslim oo Kuma hadlo hadalka kiisa foosha xun waa nin hadii uu hadlana u hadla si xikmad ay ku jirto .
– Labiskiisuna waa labis akhyaareed .
– Waa Nin nadaafad badan oo udgoon badan oo aadan dhibsanayn intii uu kula joogo.

2- Waa Nin hadii uu doonayo inuu kula kulmo kuugu imaanaya halki aad dagan tahay oo aan ka dhuumanayn reerkaaga waana nin qiiimaynaya sharaftaada oo aan kugu qasbayn in aad banaanada kula kulanto.

3- Waa Nin hadii aad wada hadlaysaan xilliga salaada ilaaliya oo ay la wayn tahay.

4-Waa Nin mar kasta oo aad wada hadlaysaan ku waaniya oo ku wacyi galiya oo marki aad wada hadashaan kadib aad dareemaysid inuu aqoon kuu soo kordhiyay .

5- Waa Nin hadii uu hadlaayo runta ka sheega intii uu kuu awoodo haba laga yaabee sidaad wax u rabtay in aysan ahayn balse aan isku dayin inuu kugu qanciyo wax uusan awoodin amaba uusan kuu qaban doonin.

6- Waa Nin dulqaad badan oo caradiisa kaa qariya dhibtiisana qarsada waliba iska kaa cafiya hadii uu khalad kaa dhaco.

7- Waa Nin aan marnaba kugu sheegan hadii uu abaal kuu galay oo aad is calfan waydaan haba laga yaabo inuu niyad jab ka qaado hadana waa nin adkaysi badan oo ku qanca qadarka Alle .

8- Waa Nin adigoo maqan iyo adigoo joogaba qaraabadaada xiriiriya oo isku daya inuu qanciyo waalidkaaga .

9- Waa Nin aan isku kaa amaanayn balse wanaagiisa aad ka dhex arki karto sida ay waalidkaaga amaba asaxaabtaada ay u jecelyihiin una qadariyaan isaga.

10- Waa Nin aad u xakameeya naftiisa oo aad ka nabad galayso ishiisa ,Carabkiisa, Gacantiisa iyo hadalkiisaba in ay sharaftaada wax yeeleeyaan.

11- Waa Nin go’aan leh oo aan doonayn inuu wakhtigaaga qaaliga ah kaa lumiyo oo hadii aad xilli kuwada balantaan in aad aqal gashaan aan isku dayayn inuu buriyo ( ka baxo ) balantii aad dhigateen balse waa Nin gacantaada galiya xilliga guurka oo aan jeclayn wakhtigaaga qaaliga ah in uu sheeko kaaga lumiyo.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply