GAAROODI NEWS NETWORK

Gudaha Ka Eeg ,Xukuumada Uu gabalkeedu sii Dhacaayo Ee Uu Hogaamineyo Madaxwaynaha Da’da ah Ee Ahmed Siiraanyo Ayaa Xukunkiisi Ku Dhamaystay Cadaalad daro Iyo Eexesho Uu Ku Sabootiyey Wakhti Xileedkiisi

(Hargeysa GRD)  Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Yonis ayaa Bartiisa Shabakada Ay Bulshadu ka xidhiidhaan Ee FB Wuxuu Ku shaaciyay Qoraal Uu Sheegay Inay Heshiis Wada Galeen Shirkad Germany Ah Oo Uu Sheegay Inay kala Shaqaynayso Mashruuc Uu Ugu Magac Daray mashruuca Biya Qaybinta Magaalada Hargeisa, Iyada Oo La Ogsoonyahay Halka Uu Maraayo Xaalka Biyaha Hargeisa Isla Mar ahaantaasina Ay Biyo La’yiin Qaybaha Ugu Badan Magaalada hargeisa, Biyo La’aan Baahsanina Ay ka jirto Caasimada Magaalada Hargeisa.

Wakaalada Biyaha Hargeisa Ayaa Ku Fashilantay Inay Dhamaan Magaalada Hargeisa Gaadhsiiso biyaha, iyada oo Biyaha Gaadhsiisa Uun Xaafado kamid ah Magaalada Hargeisa Oo Bar Tilmaameeda. Xukuumada Somaliland ayaa Waxay Bulshada Reer Hargeisa U sheegtay In Magaalada hargeisa Biyo Looga Soo Saari Doono Deegaanka Xunba Wayne Taasoo Ilaa hada Fulin, Beena Noqotay, Waxaanay Bulshada U sheegeen in Badhtmaha Sanadkan Aynu Kujirno ay magaalada hargeisa Dhamaanteed ay Biyo Heli Doonto Waxaana wararka Aan Ka helayno Wakaalada biyaha Iyo Madaxtooyada hargeisa Ay sheegayaan In Shirkadii fulin lahayd qandaraaska Oo Imaraadka Laga lahaa ay Gabi ahaanba ay dalka ka baxday, Sababo ka yimi Xaga Xukuumada Oon Daacad ka ahayn In Xaafadaha Koonfurta,bariga badhtamaha magaalada  hargeisa Biyo La gaadhsiiyo, Waana Mid Ceeb Iyo Fadeexad ku ah Xukuumada siilaanyo iyo xisbiga kulmiye.

Bulshada Reer hargeisa Gaar ahaan Xaafadaha Koonfurta Magaalada hargeisa ayaa ilaa hada u dheg taagaya waxay Xukuumadu Ilaa hada Uga hadli la’adahay Biya La’aanta haysta Iyo Halkuu ku Danbeeyay Mashruuci Xunba Wayne Ee Lagu Balaadhinaayay Biyaha Magaalada.

Sida aynu la wada socono Mashruuca biyo balaadhinta caasimada hargeysa ayaa deeqo kala duwan oo malaayin doolar ah lagu bixiyey sidi ay casimada hargeysa mar uun u heli  lahayd biyo ku filan taaso, balse wararka ay shabakada warwarka ee gaaroodinews helayso ayaa sheegaya in biyo balaadhinta caasimada hortaagan yahay maareeyaha maqaar saarka ah ee wakaalada biyaha iyo masuuliyin ka tirsan xukumada gabalkeedu dhacay ee uu  gadh-wadeenka ka yahay madaxwayne siiraanyo, ceebta iyo fadeexada so food saartay xukumada siraanyo ayaa waxaa hormood ka ah wasiiro dhowr ah, habase u darnaade wasiirkii hore ee arimaha dibada maxamed biixi yonis oo loo bixiyey (xunbowayne).

Shaqsiyaadka hada sida adag uga soo horjeeda hirgalinta biyo balaadhinta caasimada hargeysa  ayaa sidaam wararka ku helayno   sheegaya inuu Masuulka  ugu magacaban wakalada biyaha ee Ibrahin yonis iyo wasiiro ay ka midka yahin wasiirka arimaha dibada Dr sacad cali shire ay gacan weyn ku leeyihiin sidii bulshada hargeysa qeyb ka mid ah loo haraadin lahaa.

la soco qaybaha danbe iyo warar rasmi ah oo ay idiin  soo gudbin doonto shebakada wararka ee gaaroodinews.net.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply