GAAROODI NEWS NETWORK

Jeel maxaabiista lacag ka qaata

Jeel Maxaabiista Lacag Ka Qaada!

Magaalada dalka Hinidiya ee lagu magacaabo Sandaredy ayaa  xabsig dhexe ee ku yaalla oo gumaystihii dhisay , wakhtigan u sheqeeya si yaab badan.  Jeelkan ayaa dadka u xiisooda in la  xidho ay soo codsadaan inay iska dhigaan maxaabiis.  Maxbuus kasta oo jeelka codsada in lagu xidho waxaa laga qaada 24 saacood lacag dhan 7.5 Doller, waxaanu sexeexa warqad ah in loola dhaqmayo sida maxbuuska inta uu ku jiro jeelkan.

Jeelka oo ay joogaan askrtii ilaalada ahayd ayaa dadkaasi la soo xidho ula dhaqam sida maxaabiis caadi ah iyagoo u geliya dirayska cad ee maxaabiista, islamarkaana ku sheqeeya oo alaabooyinka jeelku u baahdo ku xamaala maxaabiista iyagoo gawaadhida saara.  Raashinka la siiyaana waa kan maxaabiista caadiga ah, iyadoo jeelka dhexdiisa lagu kariyo, iyagoo iyaguna kuyuu u gala wakhtiga raashinka. Dadka is xidha ayaa waxa ka mid ah dad hanti leh oo qoysaskooda ka codsada inay jeelkan ku soo booqdaan, iyagoo u arkaya inuu xidhan yahay oo naxariis u muujinaya. Waana dad noloshu ka marin habowday oo ku  jira wareer. (

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply