GAAROODI NEWS NETWORK

MADAXWEYNE SIILAANYO MA ARAGTEEN, SALEEBAAN MEEYEY, WADANKII WUXUU GACANTA U GALAY MUUSE DUCO DIID +MAXAMUUD BEENAALE.

Shacabka Somaliland waxay is weydiinayaan madaxweynihii ay codka ugu badan ku doorteen  ee  Somaliland soo mara. Wadanka waxaa ka dhacay kacaan, shacabku aad iyo aad ayay u xamaasadaysnayeen iyaga  oo ku naaloonayey in mar uun siilaanyo dalka madaxweyne ka noqdo, riyadaasu way rumawdey dadkuna aad bay  ugu riyaaqeen , raynrayn iyo damaashaad farxad iyo rajo wacan ayay ahayd. Muddo ka dib waxaa yimid waaqicii waxaana la waajahay xaqiiqdii dhabta ahayd.

img_0c0028-98abbd-3352a9-1ce237-f7aeab-24e952

Inkastoo xukuumadanu qabatay wax badan oo aan la dafiri Karin sida, mushahaarooyinkii oo la kordhiyey, iskuuladii hoose dhexe oo bilaash laga  dhigay dib udhis dhinaca wadooyinka, dhismayaasha dawlada,dayactirka garoomada diyaaradaha,bixinta  derajadii  ciidamada,  taas waxaa barbar socotey saluug dhinacyo badan leh sida:hogaanka qaranka oo taladiisii fara badatay, u sinaan la’aanta xaqii iyo xuquuuqdii bulshawaynta Somaliland nidaamkii ama hankie   shaqaalaysiinta  oo qoys qudha noqday iyo qandaraas bixintii oo noqotay mid lamida ta hore , waxaa kaloo jirey isbarbar yaac dhinaca  hanaanka maamulka dawladnimo,iyadoo siyaasiin badani ku salugeen xisbiga kulmiye iyo xukumadisa in taladii qaranka hagayaashiisii bateen, tusaale ahaan wasiir iyo agaasime awooda isku qabsada, wasiir wasiir ka amar qaata tani waa ta ugu wayn oo in badan oo siyaasiyinta Somaliland ahi ay ku dhaleceyaan wasiirada madaxooyada Somaliland inay yihiin kuwo amra wasiirada ay isku degreetada yihiin,islamarkaana ay u taliyaan,wasiir wafti ama shir hogaaminaya iyada oo  wasiirkii shaqadaa lahaa xaadir yahay.`

Markay intaasu dhacday waxay shacabka Somaliland is wediiyeen siilaanyo mee?

Kulmiyese ma caynkan buu ahaa?

Waa maxay is barbar yaacani?  Saleebaan meeyay?

Waxaa marar badan  dhacday dadkuna ka dheregsanyihin  in saleebaan maxamuud aadan  uu dhex dhexaadiyey xisbiga kulmiye balse arimo kale oo fara badan oo dalka ka dhacaya aanu wax shaqo ah ku darsan arimahaas oo saamayanayey nabad gelyada iyo jiritaanka dalka, waxaa  fagaaraha lagu arki jirey caadana u ahayd in   marka arin kulmiye ahi taagan yahay,se maanta waxay shacabku is weydiinayaan  tii kulmiye ee uu ku dedaalijireyna  ma ka gaabiyey, shacabku waxay leeyihiin Saleebaan ma aragteen?,

wadanka ma waxaa gacanta loo geliyey, muuse ducadiid iyo Maxamud Benaale, waa laba mujaahid dalkana xaqweyn bay ku leeyihiin balse isweydiintu waxay tahay iyagoo xilal soo qabtay oo ayan inagu cusbayn su,aashu waxay tahay,ma hogaaminkaraan dalkan iyo dadkan?

ma derejada mujaahidiin baynu uga indha qarsanaa waxay galaan iyo waxay gudaan,ta kale in ay dalkan u soo dagaalaman waxay ahayd waajib saaran qof walba oo kamid ahaa dadkii waqtigaa dulmiga ka tirsanayay Nidaamnkii Siyaad Barre, ee ma waxay u soo dagaalameen, inay shacabka ugu mano sheegtaan mustaqbalkoodana ku  afduubaan,danahoodana ku fushadan  haday saa ahayd, anigu iima muuqato wax xal ah.

Taariikhdu iyadaa wax hagta,  Muuse biiixi markii dalka la soo galay  Mujaahidku, wuxuu ahaa kana mid ahaa  kuwii  duway  qorshihihii dhiiga badan u qubtay,ee dalka u horseeday dagaalka  sokeeye, maalintaasna sida maanta looga aamusan yahay ayaa looga aamusay waxana ka dhashay,in badaha lagu dhamaado, lagu caydhoobo,dadkii   shalay midka ahaa ay is qabsadaan oo iska horyimaadan, waxase qurux badan in lays  waydiiyo   dawlad baad dumisays sidaad isku tihiin dawlad dhiska iyo maamulka suuban?.

Haweenkan saarka lihi horaa loo yidhi qaran ay taladiisa haween hayaan ma tisqaado,hadaad aragto qaran is haysta,horumarkii damay,hankie umadu bahdilmay waa qaran cadaaladii mesha ka baxday taladiina hawen saar leh iyo dad aan dhaamin soo galeen.

Maxamuud xaashi isaga hore ayaa loo yidhi tuug waad la dhaqmi kartaa,lana noolan kartaa oo waad iska ilaalin se beenaale lalama dhaqmi karo,maxamuud xaashi isagu waa kala qaybiyaha iyo kala qobqobka reerihii,midnimadu dhextaalay waana qabyaali cunsuri ah,waana raga manta aan  hore u talin jirin ee manta taladu ku cusubtay,ee maxamud xaashow qarankan aad dantada uun ka dhex aragtay ka joogso.

Guntii iyo gebagebadii, madaxweynuhu shacabkiisa wuu u kala eexday,taladii qranku way farabadatay sidana kugumaanaana dooran waxaan leeyahay madaxweyne dalku maanta  wuxuu kaaga baahan yahay badbaado qaran  iyo inaad u tudho oo aad isweydiiso yaa dalkan iyo dadkan isku wadi kara, waxaan leeyahay madaxweyne  illahay talada teeda san  haku waafajiyo.

              shakir kaaariye 

cabdikaariye@hotmail.com

hargeisa somaliland

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply