GAAROODI NEWS NETWORK

MAXAA SAL U AH AFGAMBIGII DHICISOOBAY EE DALWEYNAYHA TURKEY? W/Q : OSMAN ABDIKARIM

Waddanka Turkey gu wuxu ka mid yahay dallalka ugu awooda iyo dhaqaalahaba badan aduunka gaar  ahaan dawladaha Islaamka. Dal ahaan wuxuu ku yaal xuduuda u dhaxaysa labada qaaradood ee Europe iya Asia, wuxuu xuduud lawagaa waddamo ku kala yaala  labadan qaaradood balse dhulka intiisa badani waaxay dhacdaa qaarada Asia.

Dhul ahaan wuxuu ku fadhiyaa bedka cabirkiisu yahay 783,336 km^2. Muwaadiniinta dalku waxay u kala qayb samaan(Turks, Armenians, Greek iyo.jews) lakiin qoomiyada ugu tirada badani waa ta Turks ka kuwaas oo tiradoodu dhantay 70-75% inta kalena waxay noqonaysaa 25-30% waana dadka laga tirada badan yey ee ku nool dalkani Turkey ga. Luuqada waddanka lagaga hadlaa waa Turkish (Turkish language) dad weynaha ku dhaqan waddankan waxa lagu qiyaasaa tiradooda  78.7 million, shacbiweynaha ku nool waddanku waa qaar u bilslaaday nidaamka,kaladanbaynta iyo shuruucda dalka u yaal waa dad intooda badani wax qora waxna akhriya guud ahaan kuwaas oo inta badan ku foogan horumarka dalka. Waa ummad qaran nimadu agtooda qiimo weyn ku leeday waana ta sababtay suuro galnimada in dad shicib ahi ay difaacan dawladooda iyagoon hub iyo rasaas toona haysan. walow ay jiraan gacmo shisheeye oo faro gallin ku haya dalkooda handana waxay intooda badani ka doorbidaan horumarinta iyo difaacida dalkooda inay dabo dhilif u noqdaan dadyow shisheeye ah. Magaalo madaxda dalku waa #Ankara inkastoo magaalada ugu weyni tahay caasimada labaad ee #Istanbul  oo ah magaalo fac weyn  oo taarikh ku leh dunida.

Dal waynahin Turkey gu  wuxuu soomaray maamulo kala duduwan iyo boqortooyooyin taarikh ku leh dunida muslinka iyo caalamkaba kuwaas oo siyaabo kala duwan talada xukunka  usoo hogaaminayey, dawlada haatan jirtaa waxaa madax ka ah madaxweyne Recep Tayib Erdogan kaas oo talada dalka caynaanka u qabtay sanadkii 2003 kalana wareegay Fetullah Gulen. Kadib mudadaas wuxuu madaxweyne Erdogan kor uqaaday kaabayasha dhaqaale, hanaanka cadaalada, waxbarashada iyo siyaasada dalka sigoo gaadhsiiyey heer aad u sareeya kuna hantay shacbiyada dalka inkastoo ay arrintaasi ka biyo diidsiisay dawladaha reer galbeedka dhalisay in dunida reer galbeedku si dhow ula socoto siyaasada dalkan Turkey ga. Hadaba afgambigan ay ku kaceen qaarkamida saraakisha sar sare ee ciidamada qalabka sidaa  waxay  iftiiminayaa cadaawada lotoda dheer ee  waddan kani islaam ka ah lagu diidanyey noqday inuu noqdo  quwad soo koraysa oo mustaqbalka dhaw qabsan karta  maamulka iyo amarku taaglaynta dunida ee maanta gacanta ugu jirta dawladaha reer galbeedka maabta sheegta quwada dunida. Dhacdadii foosha xumayd ee lagula kacay dawlada uu majaraha u hayo Erdogan laguna doonayey in afgambi lagaga tuuro xukunka dalka waxa si dahsoon usoo qorsheeyey dawladaha reer galbeedka ee uu hogaamiyo quwada maraykanka iyadoo ay adeegsanayaa qaarkamida madaxda ciidamada iyo  siyaasiyiinta mucaaradka ah ee uu ugu horeeyo ninka lagu magacabo Fetullah Gulen oo horay uga ahaan jiray madaxweyne dalka haatan se ku nool cariga maraykanka.

Mar haday arrintu sidaa tahay maxaa keenay in ay ku guul daraystaan qorshahoodii ay ku damacsanayeen curyaaminta dawladan curdinta ka ah ee ku socoda koriinka xawliga ah ee dhanwalba ah. Kasow siyaasada dahsoon ee madaxweyne Erdogan waxa iyana biyo kama dhibcaan noqotay taageerada uu ka helay muwaadiniinta waddaniyadu ku dheehantay ee ka gilgishay masiibada lala damacsanaa in waddankooda lagaga dhigo mid bur bura sida dallalka aduunka ee ay curyaamiyen aafadda reer galbeedku sida Syria, liibia iyo kuwo kale oo islaam ah.

Haddaynu nahay ummada reer soomaliland maxaynu kaga dayan karnaa dhacdadan?.

Bal u fiirso dhanka dawlada maamusha  dalkeena  mahaa mid sida tan Turkey ga u samayn karta hanaan cadaalad iyo horumar leh oo ay ku kasbadaan shaciyada dalka balee  waxay kaga sii xagjirtaa oo  curyaamiyey eex, musuqmaasuq baahsan, nin jeclaysi, qabyaalad iyo maamul xumo taaso dhalisay in hanaanka dawladnimo uu san noqon mid hana qaada oo laga baxo musuqmaasuqan ragaadiyey dawlada ee nin wasiir sheeganayaa jeebka ku shubto xoolaha ummada iyadoo dadwaynihii laga qaado cashuurta ay haystaan caqabado dhanka nolosha ah tusaale ahaan, iyagoon helin baahiyii aasaasiga ah sida caafimaad wanagsan, waxbarasho tato leh iyo biyo nadiifa oo ku filan. Tana waa sababta ku kaliftay in da,a yartii dalku tahiiraban oo si joogta ah badaha ugu madhaan iyagoo dalkoodu u baahanyahay laakiin duruufaha qalafsan ee noloshu u saamixi wayday in ay ku nooladan dhulkooda hooyo.

Siyaasada dalka maanta taalana uma muuqato mid suuro galinkarta   waxkabadal dalkan ee waa siday u helilahayen kursiga ku gadaaman dhiirga dadka. Halkay usoo bandhigi lahaayeen barwaamujo lagu kala xusho oo faaiido dalka u leh waxay fagaarayaasha kaga qudbadeeyan idoorta nin reer habal ah baan ahaye aanay waxba u dhaafsiisnay.

Guntii iyo gabobadii waxan weedhayda kusoo gunaanada yaa dadweynoow idinkay idiin taala sidaad u badali lahaydeen hab nololeedkan jaho wareersan ee dalkeena ka jira, idinkaana ka dhigi kara mid lagusoo hirto sida waddamadaynu hawada aynu ka jeclaan ku noolashahooda.

Wabilahi tawfiiq

W/qoray: Osman Abdikarim

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply