GAAROODI NEWS NETWORK

Xildhibaano ku baaqey in hooyooyinka shaqada laga saaro

Xildhibaano ku Baaqey Sharci Mamnuucaya in Hooyooyinka laga Saaro SHaqada

London-Xildhibaano Ingiriis ah ayaa ku baaqay in loo baahan yahay Talaabo degdeg ah si  loo sameeyo sharci mamnuucaya  in hooyooyinka laga eryo shaqada,arrintaasi oo timi  markii ay korodhay in laga eexdo dumarka.

Guddiga sinnaanshaha iyo arrimaha haweenka ee Ingiriiska ayaa ku baaqaya in la sameeyo hab sida Jarmalka ah, oo adkeynaya in shaqada laga caydhiyo dumarka uurka leh iyo marka ay dhalaan.

Sida ay guddigi sheegeen Dumarka uurka leh iyo kuwa ilmaha dhalay dhawaan, ee lagu qasbay inay shaqada ka tagaan ayaa ku dhawaad laba jibaarmay oo gaadhay 54,000 tan iyo 2005-tii.

Dowladda ayaa sheegtay inay si taxadar leh wax uga qabanayso talada ay bixinayaan guddiga.

Jarmalka, laga bilaabo markii ay dumarka uur yeeshaan ilaa afar bilood ka bacdi markii ay dhalaan, shirkadaha waxay dumarka shaqada ka caydhin karaan oo kaliya markii ay shirkadda ay lacag la’aan ku dhacdo oo ay burburto, taasna waxay u baahan yihiin inay dowladda ansixiso.

Dalka Britain,

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply