GAAROODI NEWS NETWORK

goolhaye Goolhaye Diego Alves ayaa rikoodh cusub oo taariikhi ah u dhigay horyaalka La Liga


goolhaye

Goolhaye Diego Alves ayaa rikoodh cusub oo taariikhi ah u dhigay horyaalka La Liga kaddib rigooradii uu bad-baadiyay ciyaartii ay dhawaan 2-1 uga adkaadeen Leganes.

Goolhayaha reer Brazil ayaa rigoore ka bad-baadiyay Alexander Szymanowski si uu kooxdiisa uga caawiyo guushii labaad ee horyaalka kal ciyaareedkan kulankoodii labaad tan iyo markii kooxda laga ceyriyay tababare Pako Ayestaran.

Bad-baadintii hasha gacan ee goolhaye Diego Alves ayaa ka dhigeysa inuu bad-baadiyay rigooradiisii 17-aad 35-rigoore oo lagu tuuray intii uu joogay horyaalka Spain, wuxuuna jabiyay rikoodhka goolhayihii Barcelona Andoni Zubizarreta oo 16-rigoore bad-baadiyay.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply