GAAROODI NEWS NETWORK

BOQORKII SIDEEDAAD

BOQORKII SIDEEDAAD

 

Hooyaddii waxa ay ka soo jeeday dhalasho ahaan dadka Giriisiga (Greece) ee ku nool

dalka Giriiga, waxaanu ku dhashay dalka Kanada, laakiinse, dhalasho ahaan waxa uu

ka soo jeeday dadka Jerokee (Cherokee) ee ku nool dalka Jarmalka.

Waxaanu ka mid noqday Boqoraddii hore ee soo taliyey dalka Kanada, Boqorku waxa

uu had iyo jeer dadkiisa kala hadli jiray goob fagaare ah oo lagu beeray doog iyo dhir

aad u qurux-badan oo si fiican loo illaaliyey, wakhtigaas, inkastoo uu lahaa khudbado

aad u qiimo badnaa, haddana, marka ay wax ka qorayaan wariyayaasha iyo

Qorayaasha reer Kanada, waxa ay ugu yeedhi jireen Boqorkii Sideedaad.

Taasoo ku abuurtay Boqorka in uu ka cadhoodo oo aanu raali ka noqon in loogu

yeedho magac bixintaa loogu magac daray Boqorka sideedaad, waxaanay arrintaasi

noqotay murankii ugu mudada dheeraa ee in badan soo jiitamayey, haddana wali

taagnaa, marka la barbar dhigo Boqoraddii ka horeeyey.

Boqorku waxa uu ahaa hal-abuur indheer-garad ah, kaasoo qoray buuggaag badan oo

ay ku duugnaayeen, Taariikheed nololeedkiisii, Gabayo, Dhacdooyin iyo Sheekooyin

gaagaaban, inkastoo uu lahaa laba sinjiyadood oo leh hal-dhaqan oo kaliya, laakiinse,

haddana dhamaantood waxa laga dhan-dhansanayey labadiisa-hide ee uu ka soo

jeeday.

Waxaanu ahaa indheer-garad fahamsanaa khatarta ay leedahay qoraaladda la

xidhiidha mawduucyadda takooridda, sidoo kalena, waxa uu juhdi iyo dadaal badan

galiyey faalooyin lagu duubay cajaladdo ku saabsanaa dadka Ameerikanka ah ee

Hooyooyinkood ay ka soo jeedaan sinjiyaddaha kale

Boqorku isagoo ka biyo diidsanaa dhalan rogga ku iminayey dhinaca sinjiyaddaha,

waxa uu qaaday wakhtigaasi talaabo weyn oo uu u isticmaalay awood ciidan oo

dhinaca xuduudaha ah, waxaanu xilalkii ay hayeen ka qaaday dhamaan masuuliyiintii

lahaa Labada-sinjiyadood, taasoo uu ku suureeyey in ay hallis ku ahayd nidaamka

geedi socodka dalkiisa, sababtoo ah buu yidhi:- Waa lagu soo dhex-mari karaa, taasina

waa mid hallis ku ah jiritaanka qarannimadeena.

Waxaanu soo saaray sawiro muujinayey cadeymo badan iyo kuwo kale oo si far-

shaxanimo leh oo ay ku dheehan tahay waayo-arragnimo, loogu xar-dhay Hooyo iyo

wiilkeedii oo difaacaysa aqoosiga dhiiga ay ka soo jeedo, laguna qabtay iyadoo socota

dhulka lama degaanka ah ee u dhexeeya Kanada iyo Ameerika,

Hadda marka aad eegto shaqsiga u dhashay dalka Somaliland, laakiinse, sita

sinjiyaddaha kale, waa sida dhiig isku mulaaqmay oo kale.

Maaha tani mid ina tusinaysa sinjiyadda iyo dhiigaga isku mulaaqmay oo kaliye,

laakiinse, haddana waxa ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, xil-dhibaan

aannan jeclayn in aan halkan magaciisa ku xuso oo ku soo baxay cod aqlabiyadd ah

doorashaddii Gollaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo wakhti danbe la

ogaadey in uu haysto diinta kiristaanka.

Haddaba, marka aynu eegno qurba joogeena iyo kuwa haddeer tahriibka ku galay

wadamada Aduunka, inkastoo ay jiraan dad badan oo dhaqankoodu iyo diintooduba

aanay is badelin, laakiinse, waxa hubaal ah in ay jiraan Lab iyo Dhadig, haba-

yaraadaane ay guursadeen sinjiyaddo kale, halka kuwo kalena ay ku dhaqan-

doorsoomeen dhaqamadda kale duwan ee ka jira daafaha dunida.

Ka sokow, waxa iyana taasi barbar socda kuwo sita sinjiyaddo kale oo ku soo guryo

noqday iyagoo qaba hamuun masseyr-xilleed ay ku doonayeen in ay xil ka qabtaan

dalka Somaliland, ka dibna, loo dhiibay xilal aanay waayo-arragnimo hore iyo aqoon

badan u lahayn nidaamka dowliga ah, kuwaasoo wiiqay dhamaan nidaamkii iyo habkii

dowladnimo ee ka jiray Gollaha Fullinta iyo Gollaha Sharci Dajintaba.

Haddaba, miyaanay la gudbooneyn kuwa sinjiyadda kaliyaata haystaa, innay fiiro-dheer

u yeeshaan arrimahan ka socda xayndaabka gayigan ay ku xeeran yihiin, kaasoo u

baahan halgan dheer iyo sharciyaddii lagu xakameyn lahaa arrimahaas oo dhan.

Maxamed Faarax Qoti

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply