GAAROODI NEWS NETWORK

Kevin De Bruyne Oo Muddo Bil Ah Garoomada Ka Maqnaanaya, Dhaawiciisa Oo Ku Soo Aaday Waqti Ay City Adeegiisa Si Wayn Ugu Baahnayd Iyo Kulamada Uu Maqnaan Doono

Kevin De Bruyne Oo Muddo Bil Ah Garoomada Ka Maqnaanaya, Dhaawiciisa Oo Ku Soo Aaday Waqti Ay City Adeegiisa Si Wayn Ugu Baahnayd Iyo Kulamada Uu Maqnaan Doono

Tababare Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City ayaa helay war xun iyada la xaqiijiyay  in xidiga qaab ciyaareedka cabiibka ah ku jiray ee Kevin De Bruyne uu muddo bil ah  garoomada kaga maqnaan doono dhaawac ku soo gaadhay kulankii Swansea City. Kevin De Bruyne ayaa door wayn ku lahaa in Man City ay soo guulaysatay 10 kulan oo xidhiidh ah oo tartamada oo dhan ah.

Guardiola ayaa ku qasban in uu xal u raadiyo dhaawaca soo gaadhay Kevin De Bruyne wuxuuna fursad siin doonaa xidigaha kale ee kooxdiisa ee ka maqnaa shaxda uu ku soo bilabaan jiray kulamadii uu guulaha xidhiidhka ah soo gaadhay laakiin waqtiga uu dhaawaca Kevin De Bruyne ku soo aaday ayaa ah waqti aad xaasaasi u ah iyada Man City ciyaari doonta kulamo muhiim ah.

Kevin De Bruyne goes down injured during City's 3-1 victory over Swansea on Saturday

Kevin De Bruyne ayaa daqiiqadii 80 aad garoonka dhaawac looga saaray kulankii ay Man City guusha ka soo gaadhay kooxda Swansea City wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa muddo bil ah iyada oo waliba magaalada Barcelona ugu safraya in baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo si xaaladiisa loo hubiyo.

The midfielder was substituted on 81minutes and could be sidelined for the next four weeks

Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martínez ayaa lagu wargaliyay in De Bruyne uu dhawaac soo gaadhay isla markaana aanu door ku yeelan doonin kulamada heerka caalami ee ay bisha danbe ciyaari doonaan. Todobaadka soo socda ilaa bisha October ee inagu soo aadan oo uu De Bruyne inta ugu badan maqnaan doono ayay Man City ciyaari doontaa kulamo xili ciyaareekeeda saamayn ku yeelan kara.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply