GAAROODI NEWS NETWORK

Maxamuud Xaashi Wasiirka Madaxtooydu Muxu Qalinka kula Coloobay? Xog dhaba .W/Q mubaarik keyse fooje

Maxamuud Xaashi Wasiirka Madaxtooydu Muxu Qalinka kula Coloobay? Xog dhaba .W/Q mubaarik keyse fooje

Marka horeba waxa uu Maxamuud Qalinka ka xanaaqa Marka runta loogu sheego waxyba Maxamuud Xaashi u dheer

“Wasiir Maxamuud Xaashi layaabi maayo inuu la coloobo Qalinka,

Sababto ah Aqoon iyo Qalin midna Xilka kumuu imane ee waxa uu ku yimid Qabiil iyo Qabyalada uu ilahada ku hawlanyahay
Taasa kow ka ah inuu Qalinka dhaleeceeyo
Waxa laga yaaba in badan oo bulshad Somaliland ahi inay is waydiiyaan
waxa ku kalifay hadalka deelqaafka ku ah inta Qalinka sidta iyo Qalinka
Maxamuud Xaashi Qalinka waxa uu la Colooby markii runta loogu sheegay
ee lagu yidhi
Maxamuud Xaashow jooji Qabyaalada iyo iska horkeenka Beelaha walaalaha ah ee inan iyo
Abtigii ah
kadaa hurinta dagaalka
!!
Marka horeba waxa uu Maxamuud Qalinka ka xanaaqa Marka runta loogu sheego
waxyba Maxamuud Xaashi u dheer Qabyaalada Qaawan ee uu ku dhaqmo waxa ka mid ah
markuu ahaa wasiirka wasaarda Duulista iyo hawada waxa uu Madaarka ka dhex samaystay shirkado iyo farsamooyin uu umadda Somaliland ee Muwaadiniinta ah ku dhibaayo
kuna dhacaayo
isagun ku shaqaysto oo dakhli kasogalaayo
wuxuu u tafa xaytay sidii uu dhaqaale u samayn lahaa waxaanu sameeyay in madaarka loo sameeyo dakhli ka madax banaan dakhliga guud ee dawlada taas oo uu ka ansixistay baarlamaanka ,
dakhligaas uu sameeyayna qofkiiba waxa laga qaadaa lacag dhan $15 doolar. Hadda garo oo wax qabadka ugu culus ee uu sameeyay waa inuu hello dakhli iyo inuu ku shaqeeyo uun deeqdii Dawlada Kuweyd inoogu deeqday oo ay bulshadu saluug ka muujisay inaan sideedii loo fulin!
yado ka muuqta sida loo dhisay Madaarka oo uu dayacay kadib markuu lunsaday lacagta
Waxa kale oo iyaduna jirta Gacansiyo wasaarada ka dhex jira oo ay ugu waaweyn yihiin shirkada baarkinada madaarka ka shaqaysa,
oo ah mid ka yaabisa shaqi kasta oo bulshada Somaliland iyo bulshada soo bookhata Somaliland labadaba
waxaaso dakhli ah waxay ku dhacaan jeebka Wasiirka ,
waana sababta muddo yar wasiirda looga badalo
markaa uu faraha lasoo galo Ganacsigan Ceebaysan ee Wasiirka
madaam uu gacnta ku haysto
Awoodi Madaxwayna Qaranka
ugu danbayn Wasiirka isaga ka jawabi dakhligaas halka uu mariyo
Maanta se Wasiir Qalin ayaa wax xoreeya iyo Aqoon wana la dhaafay Cahdigii daydayga iyo Askariga.

Qalinka haguulaysto

Mubaarik keyse Maxamuud

Hargeisa Somaliland

Email Mubaarikeldhaga@gmail.com

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply