GAAROODI NEWS NETWORK

Ninka ugu taajirsan qaarada Africa ayaa qorsheynaya inuu afar sano gudahood ku iibsado kooxda Arsenal

 

degNinka ugu taajirsan qaarada Africa ayaa qorsheynaya inuu afar sano gudahood ku iibsado kooxda Arsenal.
Aliko Dangote oo lacagihiisa lagu sheegay adduun dhan £83.9billion ayaa sanadkii la soo dhaafay daaha ka rogay u jeedooyinkiisa ku aadan inuu iibsado kooxda lagu naaneyso Gunners.
Balse wuxuu iminka qorsheynayaa inuu howshaasi soo afjaro 4-ta sano ee soo aadan: “”Laga yaabee saddex ilaa afar sano. Arrinku wuxuu yahay inay iminka na haystaan caqabado xoogan. Waxaan u baahannahay inaan kuwaan saaro ama xaliyo marka koowaad kadibna aan ku xijiyo kuwa aan caqabada badan lahayn ama muhiimka ahayn. Kaddib ayaan midaan xooga saari doonaa.”. Aliko Dangote ayaa sidaa yiri.
Aliko Dangote has said he wants to buy Arsenal within four years

Wuxuuna intaa ku daray hadalkiisa: “Ma ahan inaan iska iibaneyno Arsenal innagoo iska sii wadeyna ganacsiga sida caadiga ahaydba.
“Arrinku wuxuu yahay inaan iibsaneyno Arsenal aana badelayno, waxaan leeyahay gacancsi guuleystay waxaana aaminsanahay inaan sidoo kale ka shaqeysiin karo koox aad u guuleysatay.
“Waqti xaadirkan iyo waxa aan wajaheyno oo ah in ka badan mashruucyo 20-Bilyan oo doolar, iskuma sameyn karo labaduba.”.
Taageerayaasha Arsenal ayaa la xusuustaa in xagaagii la soo dhaafay markii ay ku guuleysan waayeen Premier League ay sugayeen tan iyo 2004-tii ay ku kaceen maamulka sare ee Gunners iyo waliba tababare Arsene Wenger.
Stan Kroenke is currently the majority shareholder of Arsenal

Ninka lagu magacaabo Stan Kroenke ayaa iminka leh saamiga ugu badan ee Arsenal waana 67%.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply